Diyaar Garawga Xisbiga Kulmiye ee Sallaxley iyo Wasiirka Qorshaynta JSL oo Booqday

Qore: Khadar M.Xaashi

Sallaxley (Dawan) Diyaar garaw xoogan oo Xisbiga Kulmiye ee degmada Sallaxley uga diyaar garoobayo hawlaha doorashooyinka ayaa waxa halkaasi booqday wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Diiriyr Toorno, halkaasi oo uu kullamo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo socdaal shaqo ku tegay degmadda Sallaxley ayaa la kulmay Gudiga Xisbiga Kulmiye ee degmada, garabka haweenka iyo garabka dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye.

Waftigaaasi waxay kulamo kala duwan la qaateen maamulka dawlada hoose ee degmada,maayaradii hore ee degmada iyo odayaasha deegaanka.

Waftiga ayaa intii uu ku sugnaa Degmada waxa kale oo ay kulan gaara la qaateen xildhibaanada Golaha Deegaanka ee xisbiga KULMIYE oo ay isla qaateen dardar gelinta hawlaha xisbiga ee degmada.

Ugu dambayn, waftiga wasiirku waxay kormeer ku soo mareen xafiisyada xisbiga kulmiye uu ku leeyahay degmadaasi kuwaasi oo ay ka socoto hawlaha shaqo ee diyaar garawga doorashooyinka iyo dar dar gelinta hawl wadeenada iyo taageerayaasha tirada bidan ee Xisbigu ku leeyahay degmadaasi Salaxlay iyo deegaanada hoos yimaaada..

 

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com