Diyaarad rakaab oo laga leehay dalka Liibiya oo ay saaranyihiin 118 qof ayaa la afduubay, diyaaradan ayaa waxa lagu khasbay in ay ka dagto jasiiradda Malta, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha Afrqiyah.
Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad dalka guddaheeda ah.
Waxa hadda ku hareereysan ciidammo. Waxaa sidoo kale garoonka ku sugan oo heegan sare ku jira shaqalaaaha gurmadka deg degga ah.
Waxay u muuqataa in aan wax xidhiidh ah lala sameynin kuwa afduubay diyaaradaasi oo la sheegay in ay wataan bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Garoonka Malta ayaa qayb ahaan la xidhay iyadoo duulimaadyada qaar loo weeciyay jasiiradda Taliyaaniga ku taallla ee Sicily.