Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waxay dalbadeen in la joojiyo deegaameynta Israa’iil

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa wuxuu meel mariyay qaraar uu u baaqayo in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiin.

Codeynta ayaa dhacday kadib markii Maraykanka uu diiday in uu u adeegsado codka qayaxan ee Veto.

Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay kadib markii Donald Trump uu sidaasi codsaday.

Balse, Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa diiday oo markale gudbiyay qoraalka.

Israa’iil ayaa waxay ansixisay in la dhiso 464 guri dhinaca daanta Galbeed.

Maraykanka ayaa hore looga baqayey in uu is hortaago in Qaramada Midoobay ay cambaareyso Israa’iil.

Saraakiisha Israa’iil ayaa codeynta kadib waxay cambaareeyeen sida Maraykanka uu u dhaqmay.

Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Yuval Steinitz wuxuu sheegay:

“Kani maahan qabyo qoraal ku saabsan deegaameynta ee waa qaraar ka dhan ah Israa’iil, waa mid ka dhan ah dadka Yuhuuda iyo dalkooda.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

Maraykanka caawa wuxuu si fudud ku waayay saaxiibkiisa ugu weyn ee Bariga dhexe.”

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump oo la dhaarindoono 20-ka bisha soo socota, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray war kadib codeynta.

“Sida Qaramada Midoobeey, arrimaha way isbedeli doonaan kadib 20-ka bisha January.”

Arrinta dejinta dadka Yuhuudda ah, dhulka Falastiin waa xaaladda ugu xun ee labada dhinac hadda u dhexeysa, taas oo loo arko in ay caqabad ku tahay wadahadallada nabadda.

Qiyaastii 500,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa deggan 140 deegaan oo laga dhisay dhulka Falastiin, tan iyo sannadkii 1967-dii oo Israa’iil ay qabsatay Daanta Galbeed ee Qudus.

Deegaanadaasi ayaa loo arkaa sharci-daro, marka la eego xeerka caalamiga ah, balse Israa’iil ayaa diiday.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Maxamud Cabbaas ayaa soo dhoweeyay tallaabada oo ay u codeeyeen 14 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha amniga ee Qaramada Midoobay xubnaha ka ah.

bandhige@gmail.com