Diyaaradaha Turkiga waxay duqeyn ka gaysteen deegaanada Kurdiyiintu ee guddaha Turkiga iyo Ciraaq

Warbaahinta dawladda Turkiga ayaa ku warrantay in ugu yaraan 20 ka tirsan mintidiinta Kurdish-ka lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Turkiga ka fuliyeen waqooyiga dalka Ciraq, Arbacada maanta ah.

Diyaarad nooca F-16 ah ayaa beegsatay xubno ka tirsan kooxda PKK, oo ku sugnaa gobolka buuraha ee Hakurk, ee ku yaalla xuduudda Ciraaq iyo Turkiga, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Xabad joojin laba sano ah iyo wada hadallo nabadeed oo u dhaxeeyay dawladda Turkiga iyo kooxda PKK ayaa burburay bishii July ee sannaddii 2015.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa duqeymo isdaba joog ah ku hayey xeryhaha kooxda PKK ee waqooyiga Ciraaq iyo koonfurta bari ee Turkiga ee Kurdish-ka ay ku badan yihiin.

Weerarka maanta dhacay ayaa ah kii ugu horreeyey ee Turkiga ay ku qaadaan kooxda PKK, tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee dalkaas.

bandhige@gmail.com