Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in lalaayahay 34 labadii sanno ee u dambeeyey

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay ciidamada amniga ee Kiiniya inay mas’uul ka yihiin in la waayo dad gaadhaya 34 qof labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Dadkan ayaa la waayey sida ay hay’addu sheegtay xilli ay socdeen hawlgallo liddi ku ah argagixisada oo ay Human Rights Watch sheegtay in ay la socdeen tacaddiyo ka dhacay magaalada Nayroobi iyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kiiniya.

Warbixin ay soo saartay maanta ayaa Human Rights Watch waxay ugu baaqday dawladda Kiiniya in ay soo af-jarto xadgudubyadaasi, islamarkaana baadhitaan lagu sameeyo dadka la waayey iyo kuwa la khaarajiyey.

Dawladda Kiiniya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedaha la xidhiidha dadka la waayey iyo kuwa la dilay.

bandhige@gmail.com