Donald Trump oo difaacay taageerayaashiisa oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshado

Madaxweynaha Donald Trump ayaa difaacay tageerayaashiisa kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshado dhimasho horseeday oo dhawaan ka dhacay dalkaas.

Wuxuu sheegay in dhacdadii dhawaan wiil yar uu ku dilay labo qof gobolka Wisconsin iyo qalalasihii taageerayaashiisa ay sabtidii ka geysteen Oregon ay ahaayeen kuwo ay iyagu isku difaacayeen.

Trump wuxuu ku eedeeyay musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden iyo taageerayaashiisa inay rabshado ka geysanayaan magaalooyinka ay maamulaan mayarada iyo barasaabayada ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Sahan la sameeyay wuxuu muujinayaa in saadaasha guusha uu ku horreeyo Biden ka hor doorashada la filayo in Mareykanka ay ka dhacdo 3-da bisha November ee sannadkan, Laakiin ma aha sida ugu fiican ee lagu saadaalin karo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada.

Dhanka kale, Biden wuxuu cambaareeyay rabashadihii dhawaan ka dhacay Mareykanka isla markaana wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Trump in dalka uu ka wado falal amni darro ah.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Trump in sanado badan uu Mareykanka ka abuurayo qalaalaase iyo rabshado.

Trump wuxuu dhawaan sheegay in si adag ay xisbiga Jamhuuriga uga soo horjeedaan dibadbaxayaasha rabshadda iyo dhaca gaysanaya kuwaasi oo uu sheegay in ay ka dhaceen magaaloyiin ay ka mdi yihiin, Minneapolis, Portland, Chicago, iyo New York.”

Waxaa uu dimuqraadiyiinta ku eedeeyay inay jiraan dhanka rabshadaha ay gaysanayaan dibadbaxayaasha.

Xigasho: BBC Somali