Donald Trump oo looga hadhay murashaxnimada xisbiga Jamhuuriga

 

10 bilood oo tartan adag ah kadib, ugu dambaytii waxa murashaxnimadii xisbiga Jamhuuriga looga hadhay Donald Trump kadib markii uu xalay Ted Cruz kaga guulaystay gobolka Indiana, gobalkaas oo ahaa rajadiisii ugu dambaysay kadib guul-darooyin gobbolo badan ka soo gaadhay.

Waxa Donald Trump si rasmi ah loo caleemo-saari doonaa 18-ka July 2016 marka uu qabsoomo shirweynaha xisbiga Jamhuurigu.

Donad Trump waxa lagu bartay in uu yahay murashax cunsuri ah oo aan hadaladda ka dhawrin qaddiyado badan oo dadka Maraykanka iyo dunidaba kala qaybiya. Arrimaha uu ololaha doorashada ku galay waxa ka mid ah in uu Muslimiinta ka joojin doono in ay yimaadaan dalka Maraykanka iyo in uu dayr wayn ka dhisi doono xadka u dhaxeeya Mexico iyo Maraykanka, isaga oo dadka Migsikaanka ah ku sifeeyey in ay yihiin kuwa dumarka kufsada isla markaana daroogo iyo rabshad wax aan ahayn aan ugu filayn ummadda Maraykanka.

Sidoo kale wuxu hanjabaado kala duwan u jeediyey Ruushka iyo Shiinaha, taas oo dad badan markii hore ugu muuqatay in aanu doonayn madaxweynenimo laakiin hadda maalinba maalinta ka dambaysa uu sii xoogaysanayo.

Donald Trump waxay is waajihi doonaan Hillary Clinton oo iyaduna qarka u saaran in ay gaadho halkii loo calaamadeeyey muarashaxa Dimuqraadigu in uu gaadho. Waxay haysataa 2100 ergay waxana loo baahan yahay in ay hesho taas 2202 iyadoo laga doonayo in murashaxa Jamhuuriga ahi gaadho 2383. Marashaxa iyada la tartamayaa si kastoo uu dedaaalkiisu u badan yahay lama filayo in uu Hillary soo haybsado. Wuxu hadda haystaa 1400 ergay isaga oo ka hooseeya hillary 802 ergay.

Dad badan oo Maraykan ah iyo dadweynaha dunida badankooda aragti laga qaaday waxay muujinayaan in aanay suuraysan karayn Donald Trump oo Maraykanka madaxweyne ka noqda isla markaana uu dunida iyo Maraykankaba u horseedi doono guul-darooyin.

Aragtiyaha ilaa hadda la qaaday waxay muujinayaan in Hillary ay ka horrayso, laakiin siyaasadda Maraykanku maaha mid la saadaalin karo, xilli kasta ayay is beddeli kartaa.

Doorashada guud ee Maraykanka waxa la filayaa in ay qabsoonto 1-da November 2016.

 

Bandhige@gmail.com