Donald Trump: Waanu sii joogeynaa Afqaanistaan

 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afqaanistaan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah.

Waxa uu intaa ku daray in markii hore uu ka fikirayey in ciidamada Maraykanka uu gebi ahaanba ka saaro Afqaanistaan, balse aanu hadda rabin in uu sameeyo khalad la mid ah kii Ciraaq.

Trump ayaa sheegay in uu ka weecanayo hannaanka waqtiga ku xidhan, oo uu xoogga saarayo mid salka ku haya wax ka qabashada xaaladda Afqaanistaan inta ay doonta ha qaadatee. isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Maraykanku waxa uu la shaqeyn doonaa dowladda Afghanistan ilaa iyo inta laga gaarayo hormarka dalkasi,”

Pakistan ayuu u digay, asagoo sheegay in Maraykanka aanu u dulqaadan doonin in dalkaasi uu “hoy u noqdo” ururada xagjirk ah.

Madaxweyne Trump oo laga filayay in uu ku dhawaaqo kordhinta tirada ciidanka ka jooga Afqaanistaan, ayaa arrintaa ka gaabsaday, waxaanu sheegay in aanu ka hadli doonin tirada askarta iyo qorshahooda.

Janaraalka haysta ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan ku sugan, John Nicholson, ayaa codsaday 4,000 oo askari oo dheeraad ah in dalkasi la geeyo.

Khudbada madaxweyne Trump ayaa muujinaysay in uu ka filayo dalalka xulafada la ah in ay kordhiyaan askarta ka joogta Afqaanistaan iyo weliba kharashaadka ay ku bixiyaan ciidamadaasi.

Maraykanka ayaa dabayaaqadii 2014-kii si rasmi ah u joojiyay howlgalada ciidan ee ka dhanka ah ururka Daalibaan, balse waxa Afqaanistaan ka jooga ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo kalmeeya xooggaga dalkaasi.

Tirada ciidamadaasi Maraykanka ah ee Afqaanistaan ku sugan ayaa gaadhaysa 8,400 oo askari.

bandhige@gmail.com