Donald Trump ayaa waxa loo dhaariyey Madaxweynaha 45-aad ee dalka Maraykanka, wuxuuna dalka hoggaamin doonaa afarta sanno ee soo socda.
Trump oo la doortay siddeeddii November ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama kadib markii lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee congress-ka Maraykanka.
Ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka Maraykanka ayaa isugu yimid magaalada caasimadda ah ee Washington DC ee si ay goob jog ugu noqdaan maalintan taariikhiga ah.
Trump ayaa xilka uu qabtay ku macneeyey in shacabka Maraykanka ay xukunkii dalkooda kala wareegeen “Koox yar oo Washington DC” ku sugan.