Donald Trump wuxu ka nooqday go’aankii carruurta iyo waalidiintooda lagu kala reebayay

President Donald Trump speaks about the U.S. role in the Paris climate change accord, Thursday, June 1, 2017, in the Rose Garden of the White House in Washington. (AP Photo/Pablo Martinez Monsivais)

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu si deg deg ah u saxeexi doono dikreeta Madaxweyne taas oo ku saabsan in qoysaska qaxootiga ah iyo carruurtooda aanan la kala geyn oo ay isla joogaan goobaha xudduuda Mexico.

Kal hore xiisad ayaa ka dhalatay markii kumanaan carruur ah laga qaaday waalidiintooda isla markaana la geeyay xarumo lagu xanaaneeyo oo gooni ah.

Caalamka ayaa si weyn uga cadhooday siyaasada qaxootiga ee dul qaad la’aantu ka muuqato ee madaxweyen Trump, taasi oo ku saabsan in xubanaha qoyska ee wada socda la kala qaybiyo inta dacwaddooda la dhagaysanayo.

Maanta oo khamiis ah ayaa Congress-ka Maraykanka wuxuu u codeynaya xeer socdaalka iyo muhaajiriinta loo dejinayo oo lagu joojinayo in carruurta la kala raro waalidiintooda sida sharcidarrada ahi ku galay guddaha Maraykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii dalka gudihiisa iyo dibadduba aad looga cadhooday sawiradii iyo oohintii ilma yar yar oo meelo ku xidhan oo u ooyaya waalidkood oo iyaguna meelo kale lagu hayo iyo Madaxweyne Trump oo diiday in dhaqankaa la joojiyo.

Afhayeenka aqalka Paul Ryan ayaa sheegay in xeerkani cusub uu xal u noqonayo mushkiladan iyo dadka faraha badan ee ku qulqulaya guddaha Maraykanka ee magangelyo doonka iyo tahriibka isugu jira, kuwaa oo keentay in 2,300 carruur ah la gala raro waalidiintooda tan iyo shantii bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Waxa walaac ballaadhan laga muujiyay waalidiinta dalka laga dhoofiyo iyagoo aanay la socon carruurtii ay wateen oo laga reebay. Garyaqaannada arrimaha socdaalka ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan waalidiin badan oo dalka laga dhoofiyay iyagoo aan ciyaalkoodii la socon, waxaana xitaa jira waalidiin dalka laga dhoofiyay intii aanay helin carruurtoodii.

Xildhibaan John Lewis oo u ololeeya xuquuqda dadka oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay washington wuxuu yidhi waa in la joojiyaa siyaasadda noocan ah ee lagu kala reebayo carruurta iyo waalidiintooda.

Madaxweyne Trump oo aan wax caddeyn ah iyo daliil u cuskan ayaa sheegay in kumanaan qof aysan ahayn ee malaayiin ay soo gali doonaaan guddaha Maraykanka, waa haddii buu yidhi aan tallaabo adag la qaadin.

bandhige@gmail.com