Donald Trump wuxu ku hanjabay in uu cashuur ku soo rogayo baabuurta Yurub u dhoofiso dalkiisa

 

Dhacdo kale oo noqon karta mid sii cakirta xiisadda ganacsi ee taagan, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu ku hanjabay in uu cashuur boqolkiiba labaatan ah ku soo rogi doono baabuurta Midowga Yurub u dhoofiyaan dalkiisa, haddii ururku cashuuraha uu ku soo rogay badeecadaha Maraykanka ka noqon waayo.

Hadalkan oo uu ku qoray barta uu ku leeyahay shababkadda Twitter-ka, aya soo baxay isla maalintii uu dhaqan galay qaraarkii ay cashuuraha dheeraadka ah ku saareen reer Yurub badeecadaha Maraykanka ee ay kaga dibaaqayeen cashuurta culus ee Maraykanku saaray xadiidka iyo aluminium-ka ay u dhoofiyaan.

Hanjabaadaa Trump markii ay soo baxdayba waxa laga dareemay suuqyada saamiyada wershadaha baabuurta ee Yurub.

Canshuurta uu Maraykanku ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo wuxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee caawa xilliga Washington.

Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga Yurub, Canada iyo Mexico.

Xogahayaha ganacsiga ee dalka Maraykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay in ay Midowga Yurub ku guul darreysteen in ay ka faa’iideystaan labadi bilood ee cashuur dhaafka la siiyey.

Britain ayaa waxay sheegtay in ay go’aanka Marayknaka uu qaatay ay “aad uga niyad jabsan tahay” kaddib marki ay toddobaadyo wada-xaajood ku saabsan murankan xidhiidhka gacansigu u socdeen.

bandhige@gmail.com