Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay kulan ku saabsan caqabadaha caafimaadka dhallinyarada u qabatay dhallinyarada Gobolka Sanaag 

 

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay kulan u qabatay dhallinyarada Gobolka Sanaag, kulankan ayaa waxay kasoo qayb dhallinyarada Gobolka iyo maamulka gobolka.

Kulankan oo laba cisho socday waxa lagu lafo gurayey guud ahaanba caqabadaha caafimaadka dhallinyarada iyo sidii ay uga fogaan lahaayeen.

Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Ha’yada Qaramada Midoobay ee UNFPA.

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay guud ahaan kulamadan u qaban doontaa dhallinyarada Somaliland taasi oo wasaaraddu ku lafo guri doonta xaaladaha dhallinyarada Somaliland.

bandhige@gmail.com