Ugu yaraan 23 qof ayaa dhimatay 17 qof oo kalena waa la la’yahay kadib markii uu dab qabsaday doon maraysay xeebta magaalada Jakarta ee caasimadda waddanka Indonesia.
Doonta Zahro Express ayaa waxa ay in ka badan 230 oo qof u waday jasiiradda Tidung ee loo tamashlaha tago, taasi oo 50km u jirta magaalada caasimadda ah ee Jakarta.
Saraakiisha ayaa sheegay in dabka uu doonidu ku fiday xilli ay 1.5km ka fogaatay dekedda Muara Angke ee Jakarta, waxyar un kaddib markii ay halkaa ka shareecatay.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in dabka loo malaynayo in uu ka dhashay dab ka kacay matoorka doonta.
Warar ayaa sheegaya in dad badan ay badda isku tureen.
Sarkaal ayaa BBCda laanta afka Indonesia u sheegay in 194 qof la soo badbaadiyay.
Heerarka badqabka ee doonyaha Indonesia ayaa laga dayrinayaa, oo doonyaha waa la buux dhaafiyaa, sidoo kalana shilalka ayaa halkaasi ku badan.