Waxaa aan daah cidi ka saarnayn in marwo Samsam ay tahay wasiirka ugu damqashada iyo beer nugaylka badan marka laga hadlaayo tabarucaadka iyo taakulaynta bulshada tabaalaysan.
Waa wasiirka ugu shaqada badan xukuumada. waa wasiirka ugu dhaqsaha badan xaga fulinta balan qaadyada.
Waxa lagu xasuustaa markii ay ahayd wasiirka waxbarashada waxayaabihii yaabka badnaa ee ay u qabtay macalimiinta
- Qaabaynta wasaarada
- Taakulayntii iyo abaalmarintii macalimiintii kusoo oofo beeshay wasaarada oo ay siisay lacag ay noloshoodii ku maareeyeen oo qaarkood ay furteen ganacsiyo ay ku masruufeen qoysaskoodii beerka dhulka ku hayey.
- Cisbitaalka hargeisa oo ay uga samaysay qol macalimiinta u gaara oo ilaa hada ay ku reeyeen kuna daweeyeen Xanuuno ay lacag u waayeen.
Wasaarada maaliyada
- Cisbitaalo
- Gawaadhida ambulance ka ah oo ay gaadhsiisey deegaano aan hore u lahayn
- Qalabka caafimaadka iyo Cisbitaalka wajaale oo ay dib u furtey
- Guushii iyo guntashadii abaaraa oo ay hadh iyo habeen u dherereyd Adigoon tvga ka arkaaya iyadoo luunku ku wareegay oo Taakulayntii dhextaagan.
- Shaqaalaysiinta da’yarta bilaa shaqada ah marwo samsam waxay shaqo siisay da’yar aad u fara badan ayey shaqo siisay kuwaas oo kafeeyey waxna u taray qoysaskooda.
Marwo Samsam waxay mudan tahay in la siiyo shahaadada noble prise ka.
Waa gabay Duco ah oo ku socoda marwo samsam
- Aniguna ducaan kuugu ladhay, delebka Yaasiine;
- Dariiq toosan Eebehey ku mari, midaan dakaamayne;
- Diintiyo Illaah kugu dabaal, deyrkii Nebigiiye (SCW);
- Dayday iyo Illaah kaama dhigo, daalin iyo tuuge;
- Dulmi iyo Ilaah kaa fogee, duudsi iyo ceebe;
- Dalluun Eebahey kuguma rido, dalowyo Shaydaane;
- Diradire Ilaah kaa najee, daynka godobeede;
- Dabadhilif Rabbigu kaama dhigo, cadow duleystaaye;
- Dibindaabyo kaa dhowr Ilaah, dur iyo laayaane;
- Duufaanku kuma qaado iyo, daad wax rogayaaye;
- Danab iyo warjaaf kuguma dhaco, salowga duulaaye;
- Dulin iyo aboor kuguma baxo, daayin abidkaaye;
- Dulqaad iyo Ilaah kugu manee, dun iyo maamuuse;
- Afartaa damaashaadka iyo, ducada aamiin dheh;
- Waayaha dareenkiisa iyo, gabay dahsoonaa dheh;
- Afar kaloo dardaarana ayaan, kuugu darayaaye;
- Dooddayda maqal dawladeey, waa dan qarameede;
- Caafimaadku waa door ku weyn, duunka Aadmiga’e;
- Daaduun xanuun iyo dadkii, baylah baa dilaye;
- Isbitaaladii daawo iyo, maleh diktoorkiiye;
- Dabiib iyo waxqabad lagama helo, dibu xanaanayne;
- Darxumooyin hooyooyinkaa, diif la kici waayey;
- Umulaha ku go’ay daaradii, derintii ay jiiftay;
- Saqiirkiyo ilmaha dib unoqdee, ciidda lagu duugay;
- Dekan-dekan caruuraha qabriga, lagu daguugaayo;
- Danyartiyo agoomaha la nacay, deriska aafaysan;
- Dalanbaabi gaajada rajada, dibed wareegeysa;
- Diihaalka haystiyo dhibtaan, cidi danaynaynin;
- Macaluusha daymada qalbigu digigixoonaayo;
- Qaran degey, dhaqaalaha dam yidhi, Jaadka lagu daatay;
- Qoys dumay, dalaaq iyo furiin, nolosha doorsoontay;
DARDAARAN ku socda marwo SAMSAM
- Duunyada dalkeenee ku nool, duurka iyo kaynta;
- Dakhligiyo dhaqaalaha kuwii, laga durduuraayey;
- Dulin iyo qaniin baa diloo, gooyey dabarkoode;
- Reerihii dammaannada lahaa, dabato weeyaane;
- Degaankii dhirteeniyo lawaa, daaqi xoolaha’e;
- Duqow iyo madheedh kama baxaan, dirir barwaaqeede;
- Dabbaa lagu shidaa damaladii, lagu dahsoonaaye;
- Dambas iyo waxaa loo bedeley, degel habaas weyne;
- Riigagii biyuhu duulayeen, daxalku googooye;
- Jirikaanka duulaya iyo, caagadaha daadsan;
- Darka laga cabiyo uumiyaha, ceel dewerinaaya;
- Wataa dadkiyo duunyadii, oonku daashadaye;
- Dalandoolka Oromada Qotida, doogsin cararaysa;
- Dareen li’da Somaliland, debecsanaanteeda;
Qalinkii CABDI CAWIYE
shaywaal12@gmail.com
0634115877