Istanbul waxa weerar lagu qaaday goob habeenkii lagu caweeyo

 

Ugu yaraan 39 qof oo ay ku jiraan 15 ajaanib ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taal magaalada Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha guddaha ee waddanka Turkiga.

Nin hubaysan ayaa abaare 01:30 ee saqda dhexe ee waqtiga maxaliga ah waxa uu rasaas ku furay goobta habeenkii lagu caweeyo ee Reina, xilli dadkii halkaa ku sugnaa ay u dabaaldegayeen curashada sannadka cusub.

Suleymaan Soylu ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaalada lagu baadi goobayo qofka weerarka gaystay, kaasi oo loo malaynayo in uu kaligii weerarka fuliyay.

Ugu yaraan 69 qof oo kale ayaa lagu dabiibay isbitaalka, wasiirka ayaa intaa sii raaciyay.

Afar qof ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin xaalad adag.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay isku dayayeen in ay “qalalaase abuuraan” waxa uuna wacad ku maray in uu “joojin doonin dagaalka” ka dhanka ah argagixisada “ilaa uu ka tirtiro”.

Soylu oo la hadlayay weriyayaasha ayaa sheegay:

 “Waxaa soconaya baadigoobka qofka argagixisada ah. Booliska ayaa wada howlgallo. Waxaannu rajaynaynaa in qofka weerrarka qaaday mar dhaw la soo qaban doono.”

Ilaa iyo haatan 21 mayd oo kaliya ayaa la aqoonsaday, ayuu yidhi.

15 ama 16 ayuu sheegay in ay ajaanib ahaayeen, halka ugu yaraan 3 qof oo Turki ah oo ka mid ah dadka ay dhintay ay suuragal tahay in ay ka shaqeynayeen kalaabkaas.

Turkiga ayaa waxa ku soo badanaya weerarada ay fuliyaan kooxaha argagixisada ahi, kuwaas oo bartilmaadeedsanaya goobaha muhiimka ah ama dadku ku badan yihiin.

bandhige@gmail.com