Doorashooyinka Itoobiya oo Axadda loo dareerayo

Dadweynaha Itoobiya ayaa Axadda u dareeraya doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha maamul-goboleedyada.

Waxa tartamaya 58 xisbi waxayna u tartamayaan 547 kursi oo isugu jira baarlamaanka iyo kuraasta goleyaasha maamul-goboleedyaha.

Tirada guud ee muwaadiniinta Itoobiya ee isu diwaangelisay in ay codaynayaan waa 36.8 milyan iyadoo tiradada guud ee dadweynaha dalkani tahay 90 milyan. 48% codbixiyeyaasha la diwaangeliyey waa haween.

Xisbiyada tartamaya waxay soo gudbiyeen 5,819 musharax kuwaas oo u tartami doona kuraasta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada.

Xisbiga talada dalka haya ee loo yaqaan EPRDF, kaas oo ku guuleystay afartii doorasho ee hore, wuxu soo gudbiyey 1,350 musharax. Xisbigani wuxu ka musharaxiin badan yahay xisbi kasta oo ka mid ah xisbiyada mucaaridka Itoobiya.

Guddida Doorashooyinka Itoobiya waxay sheegeen in natiijooyinka hordhaca ah la shaacin doon shan maalmood kadib maalinta doorashada. Natiijooyinka kama-dambaysta ah waxa la sheegi doonaa 22-ka Juun.

Sida ay tibaaxeen Guddida Doorashooyinku, ilaa 45,000 oo goob-codbixineed ah ayaa waddanka oo dhan laga sameeyey.

Baarlamaanka Itoobiya waxay isticmaalaan nidaamka aqlabiyadda hal-dheeriga ah. Xisbiga ku guulaysta tirada ugu badan ee baarlamaanka ayaa soo magacaabaya ra’iisal-wasaare kaas oo isna dawladda cusub ku dhawaaqi doona horraanta October.

Doorashadii dhacday 2005-tii mucaaridka Itoobiya waxay ku guulaysteen boqolkiiba 30 kuraasta baarlamaanka iyo weliba maamulka caasimadda Addis Ababa.

Hase ahaatee, way diideen in ay ka mid noqdaan baarlamaanka iyadoo kadibna ay dhaceen mudaharaadyo ruxay Addis Ababa oo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof.

Doorashadii 2010-kii, xisbiga talada haya ayaa helay 99.9% kuraastii baarlamaanka- natiijadaas oo ay diideen xisbiyada mucaaridku kuna tilmaamay in ay tahay mid lagu muransan yahay.

Nidaamka baarlamaanka Itoobiya ma xaddidayo inta jeer ee uu soo noqon karo hal ra’iisal-wasaare, laakiin wuxu xaddidayaa inta jeer ee uu soo noqon karo Madaxweynuhu taas oo ah 2 jeer oo min 12 sanno ah.

Raysal Wasaaraha hadda xilka haya Hailemariam Desalegn wuxu bedelay marxuum Meles Zenawi oo muddo dheer hoggaaminayey xisbiga EPRDF.

Madaxda xisbiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin in ay doorashada ku guuleysan doonaan, halka xisbiyada mucaaridkuna ay walaac ka muujiyeen in doorashada lagu shuban doono, inkastoo Guddida Doorashooyinku ay sheegeen in doorashadu u dhici doonto xor iyo xalaal.

Doorashada sannadkani waxay qabsoomi doontaa iyadoo aanay joogin goobjoogeyaal caalami ah, hase ahaatee Midowga Afrika iyo ururada bulshada ayaa goobaha codbixinta ee dalka u kala diri doonaa ilaa 40,000 oo goobjoogeyaal ah.