Doorashada Turkiga: Waa maxay sababta dunidu ay u danaynayso tartanka madaxtinimada dalkani?

Doorashada Turkiga

Marka codbixiyayaasha dalka Turkiga ay uggu noqdaan doorashada toddobaadyo gudahood, si ay u soo xushaan madaxweyne, doorashadooda, ayaa gelin doonta xiisado mowjado ah adduunka oo dhan ah. Mustaqbalka dalka Turkiga, ayaa waxay ku xirnaan doontaa hadba qolada guuleysata, – dalalka duniduna indhaha ayey ku hayaan.

Madaxweynaha haatan talada haya ee Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa xukunka hayay labaatan sano. Waxa uu xiriir la samaystay bari iyo galbeedba, ha yeeshee xukunkiisa sii xoogaysanaya, ayaa waxa uu horseeday khilaaf isaga iyo xulafadiisa qaar.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah ninka la loolamaya kana socda mucaaradka, ayaa ballan qaaday inuu dib u soo celin doono dimuqraadiyadda Turkiga, uuna horumarin doono xuquuqda aadanaha.

Qaar ka mid ah dadka Turkiga, si kastaba ha ahaatee, ayaa waxay su’aal ka keenayaan in tani uu u sameynayo Kemal si uu usoo jiito dareenka dowladaha dunida, iyo inay ka go’an yahay sugidda ammaanka, sida Erdogan uu sameeyay markii uu soo bandhigayey boorarkiisa doorashada.

Codbixintii ka hor wareegii koowaad ee doorashada 14-kii May, ayaa saadaalin horudhac ah waxaa lagu xusay in codbixintu ay codadku isku dhowaan doonaan ee labada ruux, ee haatan isku soo haray. Balse markii la tiriyay codadkii la dhiibtay, ayuu Erdogan ka horyimid saadaashii lasoo qadimay, isagoo hoggaanka la wareegay oo hadda u muuqda mid ay adag tahay in dib loogga soo celiyo.

“Turkigu waa waddan aan ku sifayn jiray inuu yahay mid kamid ah garbadaha dawladnimada,” ayay tiri Baroness Ashton, madaxii hore ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

“Waxa ka dhacaya Turkiga marka la eego dimoqraadiyaddiisa, iyo booska uu ku leeyahay gobolka, wuxuu saameyn weyn ku yeelanayaa Yurub, Aasiya, iyo dabcan dhammaan arrimaha caalamiga ah ee aan dhammaanteen u taagan nahay. Markaa runtii Turkigu waa dal muhiim ah.”

Tan iyo markii Ruushku soo galay dalka Ukraine sanadkii 2022-kii, Turkigu ayaa wuxuu xoojiyay muujiyeyna kaalintiisa ah dhexdhexaadinta diblomaasiyadeed ah ee wax ku oolka ah. Wuxuu fududeeyey Turkigu qaar kamid ah wada-hadallo hore oo dhex maray dalal dirisan, taasoo samaysay horumar dhab ah oo keliya markii ay ka wada xaajoodeen heshiiska muhiimka ah ee Haruurka, wuxuu salka u dhigay heshiiskani waxyaabaha ay u dhoofinayaan dibadda Yukreeniyaanku inay maraan Badda Madow.

Madaxweyne Erdogan, ayaa waxa kale oo uu ku faani karaa khadadkiisa isgaarsiinta ee uu qof waliba kula hadlo, min Ra’iisal wasaaraha UK, Rishi Sunak, iyo Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, illaa iyo Madaxweynayaasha Ruushka ee Putin iyo Xi oo ah kan Shiinaha.

Erdogan iyo Biden

“Turkiga wuxuu had iyo jeer lahaa hamigan ah inuu kamid noqdo dalalka Galbeedka,” ayuu yiri Evren Balta, oo ah bare sare oo ku takhasusay xiriirka caalamiga ah, oo wax ka dhiga Jaamacadda Ozyegin ee Istanbul.

“Tani isma bedelin labaatankii sano ee xukunka [xisbiga AK ee Erdogan],” Prof Balta, ayaa hadalkiisa sii raaciyey.

“Laakin xulafada Turkiga ee caalamiga ah way kala duwanaayeen, waxay raaceeny waxa aan ugu yeerno ‘is-maamul istiraatijiyadeed’, fikradda ah in dalalku ay isbahaysi la yeelan karaan, ama la safan karaan in ka badan hal waddan ama dallad amni.”

Xiriirka kala duwan ee Turkiga iyo awoodda uu u leeyahay in uu ku macaamilo iyaga, ayaa noqday mid qiimo leh. Laakiin sawirku ma aha mid muuqaal guud oo wanaagsan bixinaya.

Tusaale ahaan u soo qaado gaashaanbuurta Nato, halkaasoo ciidamada Turkigu ay ka yihiin ciidanka labaad ee ugu ballaaran. Xubnuhu ayaa waxay si sahal ah isugu raaceen in soo galitaanka dalalka Finland iyo Sweden ay xoojinayso ammaanka guud ahaan ee ururka.

Turkigu ayaa waxa uu ahaa xubinta kali ah ee diiday soo gelintaanka isbaheysiga dalalka aan soo xusnay, iyadoo Turkigu uu ku dadaalay hor joogsiga xubinnimada Finland, iyo sidoo kale dalka Iswidhan.

Sidoo kale, dowladda Turkiga, ayaa cadaysay inaysan taageeri doonin xubinnimada Sweden illaa ay soo dhiibto tobanaan xubnood oo ka tirsan kooxda PKK, oo ah jabhadda Kurdiyiinta ee dagaalka hubeysan kula jirta Turkiga tan iyo sanadkii 1984-kii.

Selin Nasi, oo ah wakiilka London ee Xarunta Siyaasadda Ankara, ayaa qaba in isbeddelka madaxweynaha uu qeyb weyn ka qaadan karo hagaajinta xiriirka isbahaysiga Nato.

Kilicdaroglu ayaa ballan qaaday inuu xalin doono waxa loogu yeero khilaafka ku gadaaman gantaallada S400 – ee Turkiga uu u isticmaalaya habka difaaca gantaalada ee Ruushka, oo Maraykanku u arkay in aanu la jaan qaadi karin barnaamijkiisa dayuuradaha dagaalka ee F-35.

Isticmaalkii dowladda Turkiga ee F-35, ayaa meesha laga saaray sanadkii 2019-kii, balse mucaaradka ayaa ballan qaaday inay qaadi doonaan tillaabooyin lagu soo celinayo.

Kemal Kilicdaroglu oo ah ninka ay tartami doonaan Erdogan

“Duruufaha hadda jira, Turkigu waa qeyb kamid ah xulafada NATO, laakiin daacadnimadiisa iyo sida ay uga go’an tahay xubinnimada isbaheysiga ayaa la is weydiinayaa,” ayuu yiri Nasi. “Xusuusnow shirkii dalalka ku bahoobay G20 ee ka dhacay magaalada Bali ee dalka Indonesia, ayaa waxa uu dhacay xili dowladaha dunida qaarkood ay qarka u saarmeen dagaal nukliyeer ah.

“Kulan deg deg ah ayaa lagu qabtay halkaas, mana lagu casuumin Turkiga, tani waxay soo bandhigtay mowqifka mugdiga ah ee Turkiga ee Nato, si loogga gudbo tuhunnadaas, waxaan qabaa inaan u baahanahay inaan xallino arrinta S400, sida ugu dhakhsaha badan.”

Ka dibna aan u gudubno arrinta kale ee Midowga Yurub. Turkiga ayaa si rasmi ah looggu aqoonsaday inuu xubin ka yahay ururkani sanadkii 1999. Hase yeeshee geeddi-socodku wuu istaagay sanadkii 2016-kii, iyadoo maamulka Brussels ay dhaleecaysay rikoorka dawladda Turkiga ee xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka dimuqraadiga ah.

Kilicdaroglu iyo mucaaradka, ayaa sheegay inay sameyn doonaan dalab cusub, si ay mar kale wax u dhaqaajiyaan. Laakiin taasi xitaa ma tahay tallaabo macquul ah?

Ilnur Cevik, oo ah lataliyaha ugu sarreeya ee Madaxweyne Erdogan, ma qabo sidaas. Waxa uu sheegay in hoggaamiyaha mucaaradka uu “male-awaal iyo khiyaali la nool yahay”.

“Midowga Yurub waxa ay had iyo jeer turunturooyin ku hayaan wadiiqaadii aanu xubin buuxda u noqon lahayn Midowga Yurub. [Kilicdaroglu] waxa uu yiri ka dib marka uu xukunka qabto in saddex bilood gudahood uu abuuri doono jawi uu Midowga Yurub u ogolaan doono dadka Turkiga ah, inay u safri karayaan dalalka ku bahoobay fiiso la’aan, taasoo ah war wanaagsan.”

Faik Tunay, ayaa ku fal celiyey hadal maldahanoo gabay oo kale ah taasi. Waa guddoomiye ku xigeenka xisbiga Dimuqraadiga, oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga mucaaradka ee Kilicdaroglu.

“Waxaan ku qeexi lahaa xiriirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Turkiga sheeko jacayl oo aan macquul ahayn,” ayuu yiri.

“Xaqiiqdii, Turkigu wuxuu sameeyay khaladaad badan, marka la eego dhinacyo kala duwan, markaa muhiim maaha inaad xubin ka noqoto Midowga Yurub, ama bah wadaag kale.”

Erdogan oo qaabeeyey siyaasadda dalkiisa

Tan iyo wareegii koowaad ee codbixinta, xaaladda 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugan dalka Turkiga – tiradaas oo ay bixisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga – ayaa noqotay arrin muhim ah.

Ololihii bilawga doorashada, labada dhinacba waxay ballan qaadeen inay dib ugu celinayaan inta ugu badan ee qaxootiga Suuriyaanka ah ee suurtogalka ah toddobaadyo gudahooda marka ay dhacdo codbixinta madaxweynaha.

Laakin markii ay soo dhawaatay isreeb-reebka, taasi waxay noqotay mowduuc muhiim ah oo laga doodi karo, iyadoo nin waliba uu u hanqal taagayo inuu noqdo kan ugu adag ee wax ka qaban karo mowduuca laga hadlayo.

Waa wakhti walaac leh oo soo food saarey dad reer Suuriya, kuwaasoo ka baqaya in lagu celiyo waddan aan weli saldhigan. Taasi waxay walwal iyo madax-xanuun ku keeni kartaa caalamka, taasoo ah inay kala xaajoodaan oo ay dejiyaan dowladda Turkigu, si aanay ugu dhaqaaqin hadalada ku lammaanan ololaha doorashada, ee ah iney joojineyso taageerada iyo magan galyada ay u fidisay qaxootiga reer Suuriya.

Taariikhda Turkiga ee xuquuqda aadanaha iyo xoriyada, ayaa wali sii adkaynaysa xiriirka wadanku la leeyahay reer galbeedka. Haddii mucaaradku guulaysto, waxay ku adkaysanayaan inay wax wanaajin lahaayeen, iyo ballan-qaadka ah inay dib ugu noqonayaan dimuqraadiyadda, ayaa waxey ka mid ahayd farriimaha ugu muhiimsan ee ololaha doorashada.

“Haddii lasoo dhiso dowlad kale oo aan aragno wax horumar ah oo ku saabsan xuquuqda dimoqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka, waxay hagaajin doontaa sumcadda Turkiga ee fagaarayaasha caalamiga ah,” ayuu yiri Selin Nasi ,oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Ankara. “Guusha Erdogan waxay sidoo kale ka dhigan tahay in maxaabiista siyaasadeed ay ku sii jiri doonaan xabsiyada.”

Codbixiyayaasha Turkiga, ayaa wajahaya doorasho adag. Shaki kuma jiro in arrimaha gudaha sida dhaqaalaha liicliicaya ay yihiin kuwa ugu horreeya ee kujira maskaxda inta badan dadka marka ay codkooda dhiibanayaan.

Maqaamka uu Turkigu ku leeyahay adduunka waxa laga yaabaa in dadka qaarkii in aanay tix-gelin, balse jihada uu hoggaamiyiha soo socdaa qaadi doono waxa ay qeexi doontaa xasilloonida iyo guusha mustaqbalka ee dalka muddo tobanaan sano ah ee soo socota

Xigasho:BBC news

Bandhige@gmail.com