Dp world oo soo bandhigtay wiishashkii u horeeyay ee loo addeegsanayay dekedda berbera

 

DP World Berbera ayaa markale gaadhsiisay guul Somaliland, iyada oo ย keentay bishan Wiishashka Dekaddaha ee Dhaqaaqa oo loo addeegsanayo Dekadda Berbera.

Soo bandhigista wiishashka ayaa ah horumar balaadhan oo ay samaysay DP World Berbera, maadaama dekeddu ay markii ugu horreysey bixinayso addeega wiishashka, taas oo wax weyn ka tartay kor-u-qaadidda addeega gaadiidka badda. Maalgashi dhan USD12 malyan ayaa lagu bixiyey keenidda saddex wiish oo cusub, si ay u labanlaabanto wax-qabadka dekeddu, ย iyada oo si muuqata hoos ugu dhigtay waqtiga loo addeego gaadiidka badda, xasilisayna hawlaha dekedda xilliyadda maansoonka, isla markaana kor u qaaday nabad-qabka addeega dekedda.

Suhail Al Banna, ย Madaxa Guud iyo Maamulaha DP ee Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay: “Saddexda wiish ee haatan la keenay ayaa door aad u muhiim ah ka qaatay horumarinta dekedda Berbera. Waxa ay u oggolaan doonaan in maraakiib badan ย loo addeego, si ay ugu danbeynta loo kordhiyo isku-socodka ganacsiga ee dalka iyo gobolkaba. ย Inta ay socoto shaqada dhismaha lagu balaadhinayo dekeddu, waxa markhaati laga noqonaya ย isbedelka ku imanaya awoodda kaabayaasha, taas oo horseedaysa in dadka halkan iyo gobolka Geeska Afrikaba ka faaโ€™iidaystaan. DP World Berbera ย waxa ay jeexday tub labaad oo lagu gaadhayo suuq caalami ah, taas oo faaโ€™iido u leh dadweynaha Somaliland.”

Maalgelinta wiishashka cusub ย waa talaabaddii ugu danbaysay ee talaabooyin lagu horumarinayo Dekedda Berbera. Laga soo bilaabo 2017, DP World Berbera waxa ay soo bandhigtey ย qalabyo ย casri ah oo lagu xanbaaro kontaynaradda, gaadiid iyo habab cusub oo qayb ka noqon doona ย casriyeynta dekedda taariikhiga ah. Sannadkan 2019, ย DP World waxa ay bilawday Nidaamka Hawl-galka Tirminaaladda ee Zodiac, Nidaam Xisaabeedka Oracle, iyo ย Nidaamka Maamulka ย iyo Maareynta Hantida Ganacsi ee Maximo , si ay u bixiyaan addeegyo dhakhso ah oo habboon oo dhanka khadadka maraakiibta.

Shaqaalaha DP World Berbera ayaa lagu tababaray ย wiishashka ย Dubay, taas oo qayb ka ah barnaamijyada lagu horumarinayo hal-abbuurka shaqaalaha maxaliga ah oo ilaa haatan la tababaray tirro ka badan 2700 oo reer Somaliland ah sannadkii 2018.

Faahfaahinta Sawirka : Wiishashka dhaqaaqa waxa ay DP World Berbera keentay aakhirka bishii February

Weydiimaha warbaahineed, fadlan la soo xidhiidh:

Awad Mustafa

Maamulaha Xidhiidhka Warbaahinta, Bariga Dhexe iyo Afrika

DP World

Tel: +971 564185485

awad.mustafa@dpworld.com

Sanaa Maadad

Maamulaha Xidhiidhka Warbaahinta

DP Worldย 

Tel: +971 505522610

sana.maadad@dpworld.com

 

Kala soco DP World:

Twitter: https://twitter.com/DP_World

LinkedIn: https://www.linkedin.com/company/dp-world

Ku Saabsan DP World

DP World waa hormuudka ganacsiga caalamiga ah iyo qeyb muhiim ah oo ka mid ah silsiladda adeeg bixinta. Waxaan ka shaqeyneynaa ganacsiyo fara badan oo kala duwan – ย sida isku xiidhka badda iyo kan gudaha, adeegyada badda, adeegyo hufan oo kale oo la xidhiidha xalka ganacsiga.

Waxaan leenahay nidaam ย 78 shaqaale badda ah iyo terminaalka gudaha ee ay taageerto in ka badan 50 ganacsi, ย oo ka jira in ka badan 40 waddan, oo ku yaal lix qaaradood, kuwaas ย oo leh muuqaal joogto ah oo la xidhiidha kor-u-qaadka iyo qaan-gaadhnimada suuqyada ganacsi. Waxaan ujeedadiisu tahay in ay noqoto mid lagamamaarmaan u ah mustaqbakl wanaagsan ee ganacsiga caalamiga ah, xaqiijinta wax kasta oo aanu qabanno wuxuu saameyn wanaagsan ku leeyahay dhaqaalaha iyo bulshada.

Kooxdayda dadaalka badan oo ka kooban in ka badan 36,000 oo shaqaale, kanna soo jeeda 103 oo dal, ayaa ku hawlan sidii xidhiidh qoto-dheer loola yeelan lahaa dawladaha, khadadka maraakiibta, kuwa wax soo dejiya iyo kuwa dhoofiya, bulshooyinka, iyo qaybo kale oo muhiim ah oo ka mid ah silsiladaha adeeg bixiyaasha caalamiga ah, si ay u qiime ugu yeelaan, unna siiyaan adeegyo tayo leh maanta iyo berrito.

Hagaajinta agabka wax lagu raro ย waa ganacsiyada muhiimka ah ee shirkadda, waxayna soo saartaa qiyaastii saddex meelood oo dakhli ah. Sanadkii 2018, DP World waxa ay gacanta ku haysay 71.4 malyan TEU oo kudhisan miisaaniyadeena. Iyada oo la raacayo mashaariicda horumarineed iyo ballaadhinta, awoodda guud ee 88.2 Milyan oo Shaqaale ah ayaa la filayaa in ay kor u kacdo in ka badan 100 malyuun oo shaqaale ah sannadka 2020, iyada oo loo eegayo baahida suuqa.

Iyaga oo ka fikiraya hormarinta, isbedelka iyo hal-abbuurka cusub, waxaannu dooneynaa in aan abuurno xalka ugu maxsuulka fiican, iyo xalalka ganacsi oo ammaan ah, caalamka oo dhan.