Dubai waxay hirgelisay qalab qabanaya shaqada boolisku qabto

 

Booliiska Dubai ayaa soo bandhigay markii ugu horreysay askeri mashiin ah (robot) oo ka hawlgali doona xarummaha muhiimka ah ee magaalada.

Dadka ayaa qalabkan u adeegsan doono inay u gudbiyaan wararka la xidhiidha dambiyada. Waxa kale oo ay u adeegsan doonaan in ay ku bixiyaan lacagaha ganaaxa ah iyagoo gujin doono dhalo xabadka ugu xidhan askerigan mashiinka ah.

Macluumaadka uu helo wuxuu la wadaagi doonaa boliiska waddooyinka.

Dowladdu waxay leedahay boqolkiiba 25 hawsha ay booliska qabtaan ayay mashiinnadan ku wareejin doontaa marka la gaadho sannadka 2030-ka.

Khaalid Al Razooqi oo ka tirsan booliska Dubai oo ka hadlayey mashiikan qaban doona shaqada booliska waxa uu yidhi:

Ujeedada ma aha in aan mashiino ku badalno askarta,”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

Iyadoo tirada dadka ku nool Dubai ay sii kordheyso, waxaan qorsheynaynaa in saraakiisha booliska aan awoodooda isugu gayno sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaalada.”

bandhige@gmail.com