Dugsiga Turkiga ee Hargeysi wuxu hambalyo u Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa

 

Maamulka Akademiga Turkiga ee Hargeysa ee loo yaqaanno VIFAK Academy ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dhowaan xilka la wareegay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Maamulaha guud ee Vifak academy Mr. Hussein Imri waxa uu sidoo kale bogaadiyay xukuumadda uu dhowaan soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan Eebbe ka rejaynaynaa in doorashada qurxoon ee Somaliland ka qabsoontay iyo sida wanaagsan ee xilka loola kala wareegay Somaliland u horseedi doonaan waxa ugu weyn ee ay u hanweyn tahay; aqoonsi dawladnimo” ayuu yidhi Hussein Imri, Maamulaha dugsiga ee Hargeysa.

Dugsiga Vifak oo shantii sanno ee ugu dambeeyay ka hawlgalayay dalka ayaa waxa ka qalinjebiyay laba lod ama fac, iyada oo ardaydii ka baxdayna ay u qaadeen deeqo waxbarasho Jaamacadeed oo dalka Turkiga ah.

Baaqa ka soo yeedhay maamulka dugsiga Turkiga ee Hargeysa ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah, iyada oo laga wada warqabo in dawladda Turkigu ka mid tahay dawladaha sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com