Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay Waxay Raaligelin Ka Bixiyey Hadallo Ay Saxaafadda Mariyeen

????????????????????????????????????

Dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee somaliland ayaa raali-gelin ka bixiyey hadalo deel-qaaf ahaa oo ay warbaahinta u soo mariyeen wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska, kaasi oo ay kaga soo horjeedeen wareegto wasaariika wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir iyo agaasimaha guud mudane Maxamed Faarax Xareed ay soo saareen taasi oo ay ku mudeeyeen xiliga uu bilaabmi doono sannad dugsiyeedka cusub ee 2018-2019-ka kaasi oo sheegayey in dugsiyada dalka la geli doono 1/9/2018-ka, arrintaa waxa walaac badan ka muujiyey isla markaana fal celin xaga saxaafada ah ka sameeyey maamulayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee dalka, waxaanay sheegeen in ay waxbarashadda bilaabi doonaan 1/8/2018.

Ka dib wada hadal iyo xidhiidh ay sameeyeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo maamulka dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa waxa la isla gartay in arrintaa la isla meel dhigo. Haddaba shir lagu qabtay xarunta wasaarada arrimaha gudaha ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Waxbarashadda Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Muxumed, Taliyaha ciidanka bilayska Somaliland Sareeye Gaas C/laahi Fadal Iimaan, wasiir kuxigeenka ammniga mudane Maxamed Muuse Diiriye, Maayar kuxigeenka magaalada hargaysa Mudane Cabdicasiis Cagaweyne, Agaasimaha guud ee waxbarashadda Md maxamed faarax Xareed, gudoomiyayaasha waxbarashadda ee heer gobol, maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo macalimiin.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay wasiir kuxigeenka ammniga ee wasaaradda arrimaha gudaha oo isagu kulankan ku lahaa kaalinta dhexdhexaadinta labada dhinac, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waxa illaahay mahadii ah in ay maanta halkan fadhiyaan dhammaan masuuliyiintii dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwaasi oo maalmihii u danbeeyey warbaahinta ka hadlayey iyaga oo ka cabanayey wareegtadii mudaynta sannad dugsiyeedka cusub ee uu soo saaray wasiirka wasaaradda waxbarashaddu. Waxa dhammaan bahda waxbarashadda iyo bulshada reer Somaliland ba guul u ah in maanta khilaafkaa ka dhexeeyey labada dhinac halkan lagu soo gebogabeeyo oo is afgarasho laga gaadhay arrintaasi.

Waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiin ku hadlayey afka dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanay raali-gelin buuxda ka bixiyeen hadaladii deelqaafka ahaa kuwaasi oo khalkhal iyo amakaag ku riday guud ahaan bulshada iyo wasaaradda waxbarashadda ba, waxaana ugu horeyn hadalka bilaaay Sheekh Maxamed waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waxaanu raaligelin siinaynaa shacabka jamhuuriyadda Somaliland, waxaan ka raaligelinaynaa khaladaad naga dhacay oo aanu marinay warbaahinta, waxaanu wasiirka wasaaradda waxbarashadda ka raaligelinaynaa gefkaa naga dhacay.

Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadalay mulkiilaha dugsiyadda Nuur-diin Mudane Mahad Ibraahim Maxamed waxaanu sheegay in ay khalad weyn galeen isla markaana warbaahinta tageen iyaga oo aan wada xaajood la gelin wasaaradda waxbarashadda, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; aad iyo aad baan uga xunahay in khalad noocan oo kale ahi naga dhaco. Anagu waxanu nahay macalimiin rabaysa carruurteena sidaa darteed gef iyo meel ka dhac bay naga ahayd in aan u dhaqano sidan oo kale, sidaa darteed waxan u soo jeedinaynaa in la noogu dulqaato khaladkaa naga dhacay, sida diinteenu ina faraysana waxa lagama maarmaan ah in la adeeco madaxda iyo masuuliyiinta u igman hawlaha, wixii looga maarmi waayana waa in loo maro dariiqa saxda ah.

Ugu danbayn wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faratoon ayaa kullankaa ka hadlay waxaanu sheegay go’aamada ay ka soo saareen kullankan iyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen iyaga iyo masuuliyiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; mudooyinkii u danbeeyey waxa warbaahinta laga dheehanayey hadalo ay warbaahinta mariyeen maamulayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyaga oo ka cabanaya wareegtadii aanu ku mudaynay xilliga uu bilaabmi doono sannad dugsiyeedka cusub ee 2018-ka ilaa 2019-ka taasi oo ahayd in la gelidoono dugsiyada 1/9/2018-ka.

Ka dib kullamo aan yeelanay maamulayaasha dugsiyadda gaarka ah in uu bilaabmo sannad-dugsiyeedku 11/8/2018-ka, ka dib markaan dib u eegnay cabashadii iyo duruufihii ay noo soo jeediyeen waxan garwaaqsanay in aan ka tanaasulo go’aankayagii hore, waxaanan si buuxda iskula qaadanay in aan bilawno wakhtigaa aan soo sheegnay, waxaanu go’aankani ku eeg yahay sannadkan oo kaliya, sanadada danbe waxan si degdeg ah u soo saari doonoo shax tilmaamaysa xilliyada rasmiga ah ee ay bilaabmayaan sannad dugsiyeedyada iyo xilliyada fasaxyada la gelayo, waxanan farayaa masuuliyiinta dugsiyada gaarka ah in ay tixgeliyaan go’aamada iyo wareegtooyinka wasaaraddu soo saarto wixii ka khuseeya.