Eeraan waxay u daabushay Qadar cunno

 

Eeraan ayaa dalka Qadar u dirtay diyaarado sida cunno, kadib markii xiisadda ka taagan Khaliijka ay saamaysay wax la soo degistii dalka Qadar oo xidhiidhkoodu xumaaday waddamada jaarka yihiin.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Eeraan ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qadar.

Ilaa iyo hadda lama sheegin in cunnadaasi in ay tahay gargaar ama iib.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo gobolkaasi ku yaalla ayaa jaray xidhiidhka dhulka, badda iyo hawada ee ay la leeyihiin Qadar, waxaana taasi ka dhalatay cabsi ah in dalkaasi ay soo food saarto cunno yari.

Dalalka deriska la ah Qadar ayaa xannibaadaasi saaray, iyagoo ku eedaynaya in ay taageerto ururada jihaadiga ah, ayna xidhiidh dhaw la leedahay Eeraan.

Xukuumadda Dooxa ayaa beenisay eedeymahaasi loo jeediyay.

bandhige@gmail.com