Guddoomiyaha KULMIYE Iyo wefti uu hoggaaminayo waxay gaadheen Boorama

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxana ujeeddadoodu tahay sidii ay ugu guurgeli lahaayeen xaaladda xanuunka shubanka oo magaalada iyo hareeraheeda ka dillaacay.

Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo ka kooban saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE, wasiirro tiro badan oo xukuumadda katirsan oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha madaxtooyada, maaliyadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, xidhiidhka goleyaasha iyo xubno kale oo tiro badani, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay bahda caafimaadka gobolka iyo waxgarad kale, waxana ay warbixin ka dhegaysteen saraakiisha caafimaadka u qaabilsan gobolka oo faahfaahiyey xaaladda shubanka ee gobolku heerka ay gaadhsiisan tahay.

Guddoomiyaha iyo xubnaha waftiga ah ee wehelinaya, ayaa soo kormeeray jeelka weyn ee magaalada Boorama oo maxaabiista ku jirta uu xanuunka shubanku qaarkood haleelay.

bandhige@gmail.com