Eng. Xasan Jaamac Caabi oo ahaa ruug-caddaa ka tirsan Warfaafinta ayaa geeriyooday, Madaxweynaha Muuse Biixi oo tacsiyeeyey

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Xasan Jaamac Caabi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/02/2018, magaalada Hargeysa.

Marxuumka Oo ahaa farsamo yaqaan iyo tafatire 30 kii sanno ee u danbeeyay ka soo shaqeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, gaar ahaan  idaacada Radio Hargeysa kana midka ahaa  rukumada idaacada Radio Hargeysa ka hawl-gala, kaalin weyna ku lahaa isbadaladii koboca warbaahineed ee Radio Hargeysa iyo ta dalkuba ku tallaabsatey wakhtiyadii kala danbeeyay, isagoo marxuunku ka tirsanaa odayaashii gacanta weyn ka geystay kana shaqeeyay horumarinta saxaafadda Somaliland, kuna sifeysnaa dulqaad, hawlkarinimo iyo daacadnimo uu ku gudan jirey waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/