Ethiopia: Isbahaysiga talada haya ee EPRDF ayaa ansixiyay inay u midoobaan hal xisbi qaran

Xisbiga tallada haya ee EPRDF, oo ah xisbi ay ku midaysan yihiin afar qoomiyadood ee xukuma dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika, waxay ku dhawaaqeen Sabtidiiย  heshiis mabda ‘ahaan hoggaankiisa ugu sarreeya inuu ku biiro hal xisbi.

Go’aanka oo lagu dhawaaqay ka dib kulan ay yeesheen guddiga Fulinta ee hogaaminta xisbigaas. si kastaba ha ahaatee go’aanka kama dambaysta ah waxuu ku xidhanyahay inuu ansixiyo golaha EPRDF oo ka kooban 180 xubnood.ย  Goluhu wuxuu kulmaa lixdii biloodba mar waxaana si weyn loo filayaa inuu ansaxiyo midaynta.

Midnimada xisbiga ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan dedaallada la rajaynayo inay itoobiya ka qabsoonto doorasho sanadka dambe, inkasta oo walaac laga qabo amniga dalka iyo iska horimaadka qoomiyadaha oo ah mid soo noqnoqota.

Fikrada Xisbiga Horumarinta Etoobiya ayaa loo arkaa inuu kamid yahay dadaallada dib u habaynta gudaha ee uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed ka wado dalkaasi.

Bandhige@gmail.com