Ethiopia Oo Ku Dhawaaqday Xadhiga Masuuliyiiin Sirdoon Oo Badan

Raysal Wasaaraha dalka itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa warqad u jaray Taliyihiii hore ee sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa mid ka mid ah deegaanada uu ka soo jeedo, kaasi oo sida la sheegay lagu eedeeyey xad gudubiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Getachew ayaa ahaa madaxi sirddoonka Itoobiya ka hor inta uusan xilka qaban raโ€™iisul wasaare Abiy Axmed, wararku waxay intaasi ku darayaan in la xidhayo saraakiil tiro badan oo la shaqayn jiray oo qiyaas ahaan gaadhaya ilaa 67 sarkaal oo qaar kood ay yihiiin Soomaali sida la sheegay ka soo kala jeeda wadamo kala duwan oo ay sirdoonka Itoobiya awood ku lahayeen.

Abiy ayaa hore u balan qaaday in saraakiishii ku xad gudbay xuquuqda binii aadamka si cad loola xisaabtami doono kaasi oo sheegay in ay muhiim tahay in cadaalada la keeno cid kasta oo ka faaiidaysatay awooda dawlada.