Fardo duurjoog ah oo dib loogu soo celiyey qaarada Aasiya

Fardaha duurjoogta ah ee dabar-go’aya ayaa ku soo laabtay Steppe Golden oo Kazakhstan markii ugu horreysay muddo 200 oo sano ah ka dib, tani waxay ku timi dadaallo socday muddo tobanaan sano.

Duulimaadka qaatay 18 saacadood ayaa todoba nooca Fardaha Dameeraha u eeg ee loo yaqaano Przewalski lagaga soo celiyey Yurub iyada oo la keenay dalka badhtamaha Aasiya ee Kasakhstan. Beerta Xayawaanka ee Prague oo Czech Republic ah ayaa lagaga soo qaaday laba hawlgal oo horaantii bishan June la sameeyay.

Cilmi-baadhayaasha ayaa BBC-da u sheegay in farduhu ay durba si wanaagsan u shaqeynayaan mudo laba toddobaad gudahood ah iyaga oo wareegaya bannaanka oo xitaa ay bilaabeen hannaanka galmoodka.

Saraakiisha Beerta Xayawaanku waxay ku sheegeen guul facweyn iyo ilaalin muddo dheer ah.

“Kuwani waa nooc dabar go’ay oo ku laabanaya dhulkii awoowayaashood, waxay ahaayeen duurjoog, noocii ugu danbeeyey sanadihii 1960-meeyadii, ayaa lagu arkay Mongolia…sidaa awgeed waa yaab iyo mucjiso,” ayuu yidhi Filip Mašek, afhayeenka Beerta Xayawaanka ee Prague..

Iyada oo fardahan hore si tartiib tartiib ah dib loogu soo celiyay Mongolia iyo Shiinaha tobankii sano ee la soo dhaafay, hawlgalkan wuxuu noqonaya markii ugu horeysay ee ay dib ugu noqdaan Kazakhstan.

Faras-ka Przewalski waa noocyada fardaha duurjoogta ah ugu dambeeyay adduunka, waxaana loogu magac daray sahamiye Ruush ah Nikolai Przewalski oo ahaa qofkii ugu horreeyay ee aqoonsaday faraskan marka laga eego dhanka cilmi baadhista.

Noocyadan oo qarniyo hore la aqoonsaday ayaa asal ahaan ka soo jeeda deegaanada badhtamaha Aasiya waxaana cilmi-baadhayaashu u qaadeen Yurub iyo Waqooyiga Ameerika qarniyadii 19-aad iyo 20aad, halkaas oo dadwaynuhu ay ku daawan jireen xarumaha xayawaanka.

Kuwii ugu danbeeyey fardahaas ayaa ku danbeeyey magaalooyin Munich oo Germany ah iyo Prague oo Czech Republic ah, waana kuwa hadda dib loogu soo celiyay Kazakhstan.

Dhaqanka Fardahan ayaa muujinaya in dadka badhtamaha Aasiya ay dadkoodu fuulayeen oo xitaa fardaha u isticmaali jireen cunto ugu yaraan 2,000 oo sano ka hor inyaanay Yurub isticmaalin ama dhaqan fardaha.

Laakiin wakhtigii helitaanka Przewalski ee 1879, fardaha waxaa laga heli jiray oo kaliya qayb yar oo galbeedka Mongolia ah. Loolanka dadka iyo xoolaha ee deegaanka, oo ay weheliso isbeddelka deegaanka ayaa horseeday inay dhintaan.

Iyada oo la ogaaday xayawaanada khatarta ku jira, dadaallo caalami ah ayaa la sameeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib si loo badbaadiyo xayawaankaa. Beerta xayawaanka ee Prague ayaa la aaminay iyada oola arkay doorkeeda caalami ee taranka iyo ilaalinta xayawaanka.

Kani waa cutubkii ugu horreeyay ee la soo bandhigo waxay ka koobnayd todoba. Waxa la higsanayaa inay la keento ugu yaraan 40 kale shanta sano ee soo socota.

“Tani waa dhacdo taariikhi ah,” ayuu maamulaha beerta xayawaanka Miroslav Bobek ku yidhi hadal uu soo saaray.

“Toddobada faras ayaanu ku soo qaadnay laba diyaaradood oo Ciidanka Czech ah waxay ka dhigan yihiin shakhsiyaadkii ugu horreeyay ee noocyadan ee ku noqda badhtamaha Kazakhstan boqolaal sano ah.”

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com