Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID) oo loo yaqaano xisbiga ugu da’ weyn xisbiyada siyaasada ee S/land, sida ku cad boga xisbigu ku leeyahay shabakada isgaadhsiinta ee internetka ku xusan in la aas-aasay xisbiga sanadkii 2001. http://xisbigaucid.com/?page_id=22
Marar badana waa laga maqalay Faysal oo meel fagaare ah ka sheegaya in uu yahay xisbigii ugu da’da weynaa Soomaaliland , sida waxa uu ku noqonayaa xsibaga labaad eek a hadhay ururadii siyaasadeed ee Soomaaliland soo mara waaa isaga iyo Kulmiye halka uu kii ugu weynaa ee baratanka sisaasadeed kula jiray uu saqiiray oo uu dhintay isaga oo aan qaan gaadhin waa xisbigii UDUB eh.
Markaa UCID waa 16 jir sanadkan sidaas ayuu ku noqonaya marka loo eego dhaqankeena in uu qaan gaadh iyo sanad waliba jiro, mudadaasna waxa uu lahaa gudoomiye kaliya oo ah Faysal Cali Waraabe kaasi oo caqabad kasta oo ka hor timaadaa si uun ku dhaafaayey.
Mudadaas uu jiray xisbigu waxaa soo wahajday dhibaatadii ugu darnay laba jeer taasina waxa ay kala ahaayeen markii doorashadii 2010kii ee madaxnimada uu kaalinta 3aad galay uun sidaas ku noqday xisbiaga ugu danbeeyey is eedayn iyo canaan ka dib gudoomiyaha ayaa loo xambaariyey guul daradaas, laakiin markii maxkamad iyo muran dheer la isla galay waxaa ku guulaystay Faysal in uu ahaado gudoomiyaha xisbigaas, halkaasna waxaa laga caydhiyey oo fagaarihii xisbiga banaaneeyey kaadiriin u ugu weynaa gudoomiyaha xisbiga Wadani iyo guud ahaabna rag kale oo cudud iyo cuud is bidaayey.
Waxaana la is yidhi UCID waa u dhamaatey halkaasna soo dhaafi maayo, laakiin Faysal oo looga bartay in uu yahay ma quuste aan daalin sidii uu waxa iskugu dhaldhalaalinaayey waxaa la soo gaadhay doorashadii ururada siyaasada oo Kulmiye dib u furay sanadkii 2012 kii, waxaana loo dareerey doorashadii golaha deegaanka taasi markii uu Faysal ka hadlaayey waxa uu yidhi waxaa maalinkaas noo xalaal ahaa bakhtiga halka uu xisbigu maraayey.
Waxaanu soo helay ama is calmadeen Jamaal Cali iyo Cabdirashiid Xasan oo UDUB tii burburtey ka soo diga rogtay ahaan laba nin oo siyaasada ku cusub xoolana haya, heshiisyo kala duwan ayaa qalnka lagu duugay oo ay ugu dool roonayd in labada nine e cusubi noqdaan musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa Faysalna gudoomiyaha loo daayo sidaan kadarta ( jiirta) xisbiga lagaga soo gudbiyo tiina waa dhacday oo waxa u noqday sadexda xisbi siyaasadeed ee garoonka Soomaaliland ku tartama.
Wax yar ka dib oo ah 2014 kii waxaa soo dhawaatey doorashadii madaxnimo ee dib loo dhigay waxaa bilaabmay oo UCID ka dhax qarxay khilaaf xoogan oo ku saabsan cida musharax noqonaysa, oo xirfadaha faysal waxaa ka mid ahaa in aan labada nin ee hada sharaxan shir weyne lagu dooran xisbiguna uu xaq u leeyahay cida uu rabo in uu soo sharaxdo.
May adkaysane way kala carareen raggii Faysal ka soo horjeeday isna taas marka uu arkay sutida ayuu u qabtay intii hadhay oo Jamaal hor kacayo waatii aan ogayn halkii ay ku danabaysay aakhirkiina waxaa si xaq ah ama aan xaq ahayn loo yidhi faysal baa leh oo musharax ah sidaas ayuu ku noqday faysal Cali Waraabe gudoomiyaha ugu cimriga dheer ee hogaamiya xisbi siyaasadeed oo ka jira Soomaaliland.
Mar hadii sidaa xaal yahay kalkan in uu ummada iyo wadankaba hogaamiyo isagaa iska leh waa in loo daayaa odayga doorkan, waxaana dhici karta inta uu doono in uu madaxweyne sii ahaado maadaama uu xisbigiisaba waligii ka yahay gudoomiye, furfurnaan siyaasadeed iyo mid dhaqaalena waa ka hir galaysaa wadanka marka uu hogaanka dalka qabto.
Badanaa siyaasiyiintu ma laha saaxiib joogta ah iyo cadaow joogta ah markaa astaan taasi waxa ay si fiican uga muuqataa siyaasiyiinteena marka la eego Faysal Cali waanan nin ummada isku wadi kara mar hadii aanu lahayn cadow joogta ah oo uu leeyahay kola saaxiibo cusub cida uu doono in uu ka dhigto.
Xasan Ciise- Muxalil siyaasadeed