FIFA oo magacowday madaxa dib u habaynta iyadoo ay dulhoganayaan eedaymo musuqmaasuq

FIFA oo ay muddooyinkii u dambeeyey dul hoganayeen eedaymo musuqmaasuq oo saraakiil ka mid ahi wali u xidhan yihiin ayaa madaxii hore ee guddiga Olombikada Caalamiga ah Francois Carrard u magacowday in uu noqdo madaxa Guddiga dib-u-habaynta FIFA.

Francois Carrard ayaa xilka madaxa Olombikada Calaamiga ah hayey tan intii u dhaxaysay 1989 ilaa 2003 dii.

Carrard ayaa waxa uu sheegay in uu soo celinta sumcadda iyo kalsoonida FIFA ay muhiim u tahay mustaqbalka hayโ€™addaasi kubadda.

Madaxwaynaha FIFA Sepp Blatter ayaa bishii lixaad ku dhawaaqay in uu shaqada ka fadhiisan doono afar maalmood uun ka dib markii loo doortay madaxwaynenimada markii shanaad.

Iscasilaada Blatter ayaa daba socotay ka markii loo xidhay musuqmaasuq todobo sarkaal oo FIFA ka tirsan oo ku eedeeyey Maraykanku.

Tan iyo intii ay soo baxeen eedaymaha musuqmaasuqa ayaa waxa hoos u dhac ku yimid sumcadii iyo kalsoonidii ay FIFA duniddu ku lahayd.

bandhige@gmail.com