Shirkadda diyaaraha ee Aeroflot oo ah midda ugu wayn ee dalka Ruushka ayaa wajahaysa dacwad ay ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah shaqaalaheeda dumarka ah oo sheegay in laga doorbiddo kuwa dhuudhuuban ee soo jiidashada leh.
Maxkamadda magaalada Moscow ayaa Salaadadii diiday sheegashada midab takoorka ee ay soo gudbisay Irina Ierusalimskaya oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.
Waxay qorshaynaysaa in ay racfaan qaadato waxaana taageeray ururrada ugu sareeya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo waliba Boris Kravchenko oo ah masuul sare oo ka tirsan ururka shaqaalaha.
Shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot ayaa sheegtay in halkii kiilo ee culays ah uu u keeno in ay shidaal dheeri ah isticmaasho.
Qofka raba shaqo iyo in uu adeege ka noqdo diyaaradaha shirkadda waraaqda codsiga ee uu buuxinayo waxa looga baahan yahay in uu ku qoro culayskiisa, dhererkiisa iyo cabirka dharka uu qaato.
Shirkadda Aeroflot waxay sheegtay in ay qasab tahay in dadka shaqada soo dalbanaya ay gaadhaan cabirka ugu hooseeya ee ay u baahan yihiin maadaama ay shaqaaluhu kala hagaajiyaan goobaha kore ee boorsooyinka la saarto.
Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aan ka gaadhi doonta mid la mid ah dacwadda ay horay u tuurtay oo ay soo gudbisay Yevgenia Magurina oo adeegto ka ah diyaaradaha shirkadda Aeroflot.
Sarkaal ka tirsan Aeroflot ayaa maxkamadda u sheegay in shaqaalaha miisaankoodu badan ay ku adag tahay in ay isku kala wareejiyaan guddaha diyaaradda oo ay si sahlan ugu adeegaan macaamiisha.