Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanku wuxu ammaanay Islaamka qunyar socodka ah ee Indonesia

U.S. Vice President Mike Pence (L) chats with Indonesia President Joko Widodo at the presidential palace in Jakarta, Indonesia April 20, 2017. REUTERS/Darren Whiteside

Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa ammaanay Islaamka qunyar socodka ah ee dalka Indonesia, isaga oo booqday dalkaasi oo uu wada hadal kula yeeshay madaxweyne Joko Widodo iyo saraakiisha Ururka Dalalka Koonfur Bari Aasiya.

Isagoo ka hadlaya booqashada uu ku tegay Indonesia waxa uu yidhi:

“Innaga oo ah dalalka labaad iyo saddexaad ee ugu dimoqraadiyadda ballaaran dunida, labadeena dal waxay wadaagaan qayim guud, oo ay ku jiraan xoriyadda, sharciga, xuquuqda aadanaha iyo kala duwanaashaha diimaha, Mareykanka wuxuu ku farxasan yahay inuu Indonesia kala shaqeeyo ilaalinta qayimkan.”

Waxa uu sidoo kale adkeeyey baahida loo qabo xoriyadda aas-aasiga ah, wuxuuna intaas ku daray in isaga iyo madaxweyne Trump ay doonayaan in ay ballaadhiyaan xidhiidhka dhaqaale ee ay la leeyihiin Indonesia, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Hoggaanka madaxweyne Trump, wuxuu Mareykanka u raadin doonaa xiriir ganacsi oo xor iyo dhexdhexaad ah.”

Ayada oo ay qeyb ka tahay safarkiisa magaalada Jakarta, Pence ayaa waxa uu sidoo kale booqday masjidka Istiqlal oo ah masjidka ugu weyn Koonfur Bari Aasiya, isaga oo halkaas kula kulmay hoggaamiyayaasha diimaha kala duwan.

bandhige@gmail.com