Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadeen badiba xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco ayaa waxa hadheeyey gacan-ka-hadal kaasi oo lagaga goob dhuleed ay maamulak Dawlada Hoose burco damacsan yihiin inay iibinayaan oo ku taala badhtama suuqa wayn ee magaladda gar ahaan agaagarka Hudheelka Deero.
Kal-fadhigu markii uu socday muddo yar ayaa waxa ka dhashay muran, buuq iyo sawaxan kaasi oo sababay in xildhibaanadu ay u qayb samaan laba dhinac .
Waxaana xildhibaanada qaar ay diidanayaan In la iibiyo dhulkaas halka kuwo kalena ay doonayeen in la iibiyo, waxaana Xildhibanada qaarkood maleegayeen qorshe ah in ay badka soo dhigaan mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayarka Burco Maxamed Yusuf Cabdiraxmaan Muraad iyo ku-xigenkiisa Muxumad Xasan Xoday.
Waxaana kalfadhigan maanta ay xildhibaanadu noqdeen kuwo ku kala aragti duwan iyada oo isla goobtaasina ay isku afdhaafeen laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Burco kaasi oo sababay in uu dhex maro dagaal gacan-ka-hadal ah.
labadan xildhibaan ee gacan-ka-hadalku dhex maray ayaa kale ah xildhibaan khadar Nuux Saciid iyo Xildhibaan Shiine Faliidh iyada oo isla goobtaasi lagu kala qabtay.
Kal-fadhigani aan caadiga ahayn ee ay yeeshan xildhibanadan Golaha deegaanka Burco ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan.