Gadar waxay dacwad u gudbisay QM kadib markii diyaarad Imaaraadku leeyahay ku soo xad-gudubtay hawadeeda

Xukuumadda Gadar ayaa dacwad u gudbisay Xoghayaha Qaramada Midoobay kadib markii ay diyaarad Imaaraadku leeyahay oo kuwa milatariga ahi ay hal daqiiqo ku soo xadgudubtay hawada Gadar.

Gadar ayaa sheegtay in diyaaradaha Imaaraadku ay marar dhawr ah oo hore ku soo xad-gudbeen hawada Gadar, taas oo ay ku tilmaameen xad-gudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Imaaraadka ayaa ka mid ah waddamo dhawr ah oo Sucuudigu hor kacayo oo xayiraad dhinac walba ah ku soo rogay Ixukuumadda Gadar bishii June 2017kii.

Bandhige@gmail.com