Qoraalkan waxaan ugu talo-galey in uu dhalinyarada siiyo halbeeg ay ku cabiraan afkaarta siyaasiga ah, ee ka soo burqada jilayaasha siyaasadda Geeska Afrika. Waxa jira dad jecel in ay ka fal-celiyaan dhacdooyinka siyaasiga ah. Sidaa awgeed, qoraalkani waxa uu ka caawin doonaa habka loo maro akhrinta dhacdooyinka siyaasiga ah, si ay u fahmaan afkaarta jilayaasha siyaasadda.
Hordhac: Inta aynaan u gudo gelin habka loo maro akhrinta dhacdooyinka, waxaan sawir ka bixin doonaa xaalada Geeska Afrika, iyo sidey umad kastaa u difaacato aragtidooda.
Difaaca aragtida: Caadiyan, umad kastaa waxay aaminsantahay aragti lagu difaaco arrimaha masiiriga ah, oo lagu illaaliyo jiritaankooda, si ay saameyn ugu yeeshaan dunida waxay raadsadaan iskaashi iyo is-xulafaysi ku dhisan dan heer gobol iyo heer caalami.
Arrimaha masiiriga ah: Si jiritaanka wadanka loo difaaco waa in aad taqaan arrimaha masiiriga kuu ah, sida; Dhulka & Dadka / Diinta & dhaqanka / Amnigiyo difaaca qaranka & nabad-ku-wada noolaanshiyaha/ Dawladnimada & ku dhaqanka sharciga / Xasiloonidda dhaqan-dhaqaale & maal-gashiga / Xidhiidhka diblomaasiyada & iskaashiga gobolka iyo caalamka.
Geeska Afrika: Waxey kulmisaa 9 dal marka si balaadhan loo eego; Somaliland, Jabuuti, Iratariya, Sudan, Koonfurta Sudan, Itoobiya, Somaliya, Kenya iyo Ugandha. Waxa kunool ilaa 330 milyan oo qof. Waayaha taariikheed ee soo marey waa mid madow, waxey ku sugan tahay: a) degenaanshiyo la’aan, abaar iyo dagaalo sokeeye; b) waxa fara-gelin ku haya reer galbeedka, waxa ugu biirey wadamada barriga dhexe; c) waxa loosoo waaridaa caqiidooyin lagu burburiyo nabad kuwada-noolaanshiyaha umada ku dhaqan.
Si loo fahmo dhacdooyinka siyaasiga ah iyo danaha is-diidan ee ka jira Geeska Afrika waa in aad taqaan rabitaanka iyo danaha siyaasi ee dawladaha; Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliya.
Somaliland: Xasiloonida iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland waxay door laxaaad leh ka ciyaartey hagaajinta xidhiidhka caalamiga ah iyo diblamaasiyada. Waxa ka muuqda rabitaanka dawladda Somaliland; a) furfurnaanshiyo siyaasadeed iyo afkaar lagu xoojinayo iskaashi iyo fursado maalgashi oo wadamada caalamka iyo jaarka dooransiinaya in ay ku tiirsanaadaan Somaliland. b) ka midho dhalinta isbeddel siyaasiya oo gobolka ka hanaqaada, waxey soo dhawayn kartaa aqoonsiga Somaliland. c) dadaal ay ugu gogol xaadhayso dalkeeda in uu saameyn dhaqaale iyo mid awoodeed ku yeesho gobolka, kana faa’iido istaraatajiyada marin biyoodka ganacsi, oo ah buqcad ay maraan 60% ganacsiga aduunku.
Somaliya: Xasilooni-darida iyo loolanka kursi ee ka jira Somaliya waa mid hubanti la’aan socda, oo sababay deganaanshiyo la’aan iyo in nidaamka dawlada lagu ilaaliyo ciidan shisheeye. Waxa hadheeyey rabitaanka dawladda Somaliya; a) afkaar lid ku ah nabad ku-wada-noolaanshiyaha Geeska Afrika. b) aragtiyo iyo dano is diidan, oo wadamo kale saameyn la arki karo ku leeyihiin dhismaha ciidamada dawlada somaliya, oo u kala daacad ah wadamada dhisey.
c) go’aano axmaqnimo leh oo halis ku ah nolosha umada ku dhaqan geeska, sida; hurinta colaadaha iyo in siyaasiyiinta dawlada Somaliya ogolaadeen in xeebta Somaliya lagu aaso sun ka badan 40 kun oo tan.
Jabuuti: Waa wadan xasiloon, oo leh kaabayaal dhaqaale oo la hormariyo, waxa uu ka macaashaa adeega dekedaha iyo kireyna dhulka, waxa uu saldhigyo milatari ka kireeyey wadamo kala aragti duwan. Taariikhdii hore marka la akhriyo Jabuuti waxa loogu yeedhaa ‘Copy of Zeila’, taa macnaheedu waxa weeye Jabuuti waxay ka faa’iidey marin-ganacsiyeedka taariikhiga ahaa ee Saylac.
Rabitaanka dawladda jabuuti waa mid u muuqata; a) in ay sii ahaato marinka kaliya ee la ganacsada Itoobiya, b) in ay si xirfad leh daaha-dabadiisa uga maamusho xasaradaha gobolka, taana waxa dhibane u ah wadamada la jaarka ah, c) in ay soo dhaweyso carqalad kasta oo dib u riixaysa xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Itoobiya iyo labada wadan ee xeeb wadaaga la ah ee Somaliland iyo Iratariya.
Itoobiya: Itoobiya waa dalka ugu dadka badan Geeska Afrika, oo bilaa bad ah, ganacsigoodu 100% wuxuu soo maraa wadanka ay jaarka yihiin ee Jabuuti. Aragtida caafimaadka qabtaa waxay kuu sheegaysaa in ganacsiga Itoobiya ku-dul-socda sikiin. Rabitaanka siyaasadda dawladda Itoobiya waa mid kusaleysan doonista marin ganacsiyeed ka badan laba, marka loo eego korodhka dadka iyo baahida suuqa ganacsiga.
Gunaanad: waxa si waadix ah u muuqda rabitaanka wadamada Somaliland & Jabuuti, oo tartan ugu jira ka faa’iideysiga marin-biyoodka badda iyo la macaamilka wadanka ugu dadka badan Geeska Afrika. Sidoo kale dawladda Itoobiya waxa ka muuqda rabitaankooda in ay hesho marin biyood nabdoon oo ay kula ganacsato jaarkeeda si ay u kordhisa saamiga ganacsi ee ay ku leedaha suuqyada caalamka. Halka dawladda Somaliya u muuqato mid u tafo xaydan xin, iyo burburinta aragtiyaha ku dhisan wax-wada qabsiga, iskaashiga iyo nabad ku-wada noolaanshiyaha mandaqada Geeska Afrika.
SIDEE LOO AKHRIYAA DHACDOOYINKA SIYAASIGA AH?
Araartaa dheer ka dhib, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa 10 talaabo oo kaa caawin karta in aad akhrido dhacdooyinka siyaasiga ah:-
Talaabada1: Marka hore waa in aad fahanto macnaha guud: soo ururi macluumaadka ku saabsan asalka dhacdada, xaaladda taariikheed, iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale ee ku xeeran dhacdada. Tani waxay ku siin doontaa fikrado ku saabsan muuqaal ballaadhan oo ah dhiiri-geliyaha ka dambeysa ficillada siyaasadeed ee dhacay.
Talaabada2: Falanqee fikirka iyo aragtida: baadh fikradaha iyo aragtida ay soo bandhigaan jilayaasha siyaasaddu, tixgeli waxa ay aaminsan yihiin ee siyaasadeed, qiyamkooda, iyo ujeedooyinkooda, ka raadi talaabo, hadalo iyo ficilo is burinaya.
Talaabada3: Qiimee xaqiiqooyinka jira: qiimee waaqica dhabta ah ee jira, tixgeli xaaladaha dhaqaale, dhaq-dhaqaaqa bulshada, arrimaha juqraafiga, iyo duruufaha dhaqameed ee saamayn kara dhacdooyinka siyaasadeed ee jira, kala saar hadal-haynta iyo natiijada dhabta ah.
Talaabada4: Mabaadi’da baadhista: aqoonso mabaadi’da hagta jilayaasha siyaasadda ee ku lug leh dhacdada, u fiirso qaab-dhismeedka fikirkooda; barnaamij xisbi, ajandayaal siyaasadeed oo qaabeeya go’aan qaadashadooda, taageero dano kale. Qiimee in falalkoodu la mid yahay mabaadi’da ay sheegeen.
Talaabada5: Falanqee ficilada: diirada saar tallaabooyinka ay qaadeen jilayaasha siyaasaddu, baadh siyaasadooda, sharciyadooda, amarada fulinta, ama dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ay sameeyaan. Qiimee saamaynta ay ku leeyihiin falalka iyo saamaynta ay ku leeyihiin daneeyayaasha kala duwan.
Talaabada6: Turjumaad u samee odhaahda siyaasadeed: si qoto-dheer u lafo-gur weedhaha, qoraaladda iyo khudbadaha siyaasadda. Tixgeli dhagaystayaasha loogu talagalay, macnaha guud ee odhaahda lagu sheegay, iyo ujeeddooyin kasta oo hoose. Eeg iswaafaq la’aan, ajandayaal qarsoon, ama dano is qancin ah.
Talaabada7: Tixgeli jilayaasha siyaasadda: baro shakhsiyaadka ama kooxaha ku lugta leh dhacdada siyaasadda.
Qiimee kalsoonidooda, rikoodhkooda raadraaca, xulafadooda, iyo danaha gaarka ah. Aqoonso dhaqdhaqaaqa awoodda iyo saamaynta ay jilayaasha kala duwani ku leeyihiin dhacdada.
Talaabada8: Raadi aragtiyo kala duwan: raadi oo baadh ilo iyo aragtiyo kala duwan si aad uga fogaato eex oo aad u hesho faham ballaadhan oo ku saabsan dhacdada. Baadh warbixino hore, falanqee ra’yiga khabiirada iyo khudbadaha dadweynaha si aad u hesho sawir dhamaystiran.
Talaabada9: Fikir -muhiim ah: Isticmaal xirfadaha fikirka muhiimka ah si aad u qiimeyso oo aad u habayso macluumaad la ururiyay, raadi caddayn, sabab macquul ah, saxnaanta dhabta ah, mala-awaal su’aal leh, eex, iyo taariikho hore wixii suurto-galka ah.
Talaabada10: La soco horumarka: dhacdooyinka siyaasiga ahi inta badan waa kuwo firfircoon oo waqti yar gudihii isbedeli kara, la soco macluumaadka cusub, horumarka, iyo ficilada xiga, si aad u nadiifiso fahamkaaga iyo falanqayntaada.
Xigasho :Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com