Giriigga waxa 8 sanno kadib loo oggolaaday in ay suuqa caalamka wax ka daysan karaan, laakiin waxa saaran 40 sanno oo kormeer ah

kadib markii uu quusay dhaqaalaha Giriigu sannadkii 2010kii, waxay maanta xukuumaddu ka qalin jabisay gunti-giijis dhaqaale oo socday muddo 8 sanno ah. Waxase saarnaan doona afartan sanno oo kormeer dhaqaale ah si loo hubiyo in ay u dhaqmayaan sidii ay isla qaateen aagga dhaqaalaha ee Euro zone.

Giriigu maanta wixii ka dambeeya wuxu awoodi doonaa in uu cagihiisa dhaqaale ahaan isku taago, lacagana daymaysan doono. Waxaana halkaa kaga dhammaaday 8 sanno oo uu ku tiirsanaa waddamada midowga Yurub kuwaas oo bedbaadiyey dhaqaalihii wiiqmay ee dalkan yar ee baryaha qaar hoggaanka u hayey xaddaaradaha dunida.

Wakhti xaadirkan sannad kasta wuxu Giriigu dib u bixinayey 7.3 bilyan oo Doollar oo u dhigma 3.5% dhaqaalaha guud ee Giriigga ka mid ah.

Komishaneerka maaliyadda ee Midowga Yurub Pierre Moscovici ayaa dhawaqan maanta ku tilmaamay guul weyn sheegayna in Giriigu tusaale u yahay in haddii guntiga la giijisto laga bixi karo dhibaato kasta oo dhaqaale oo la soo maro.

Bandhige@gmail.com