Gobollada Jsl Oo Looga Fadhiistay Imtixaanka Lagu Xulanayo Ardayda Dufcadda Labaad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran

Guud ahaa gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa maanta si rasmiya ugu bilaabmay Imtixaanka lagu xulanyo kun (1000) arday ee loo qaadano dufcadda labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Tirro gaadhaysa afar kun iyo shan boqol (4500) oo arday ayaa maanta Imtixaanka ku fadhiistay, kuwaas oo ku kala sugnaan magaalooyinka Hargeysa, Gabiley, Boorama, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo, iyada oo ay imtixaanka ka soo bixi doonaan kun arday, oo todoba boqol wiilal yihiin halka sadex boqolna ay gabdho yihiin, kuwaas oo tababar ciidan iyo xirfada aqooneed la siin doono ka-dibna ka hawl gali doona Dawladda Somaliland, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee shaqo qaran.

Imtixaanka oo ay qaaday Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaaa Xafiiska Imtixaanka Qaranka ayaa saaka ka bilaabmay goobihii looggu tallo galay, si nidaamsan oo degan, waxanna furay Guddooomiyeyaasha gobollada iyo Maayarada magaalooyinkaasi.

Saraakiil kala ahaa Agaasimaha Barnaamijka shaqo Qaran Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Md. Axmed Xasan Nuur (Taajir) iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Md. Axmed Abokor oo uu wehelinayey gudoomiye ku xigeenka xafiiska Imtixaankaadka Md, Maxamed Xuseen Qalinle ayaa kormeeray shan dugsi oo magaallada Hargeysa ah kuwaas oo uu saaka Imtixaanku ka bilaabmay.

Agaasimaha Barnaamijka shaqo Qaran Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa ka hadlay bilowga imtixaankan waxaannu yidhi “ Waxa maanta guud ahaan wadanka loogga fadhiistay imtixaankii looggu tartamayey barnaamijka shaqo qaran, waxanna hawsha Imtixaanka gabi ahaan hoggaaminaysa wasaaradda Waxbarashadda, gaar ahaan xafiiska Imtixaanaadka qaran, iyo saraakiisa kala duwan ee wasaaradda. Wasaaradda iyo xafiiska Imtixaanaadka qarankuna waa kuwii looga bartay imtixaan daacad ah oo aan qof qof la dhaafin ummada oo dhammina ay ku kalsoontahay, waxaannu dhalinayradda maanta ka qayb-galaysa u rajaynayaa in intii ILAAHAY uu u qoray ay ku guulaystaan, inta kalena ay qalinkooda ku kalsoonaadaan.”

Agaasime Mu’adinka ayaa sidoo kalena intaa ku daray“  Arrintani waa mid aad u muhiim ah, waa rajo u abuurantay dhalinyaradda Somaliland in qof kasta waxa ku doonno oo ku helo qalinkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa oo aannu u baahan cid gacan qabata, oo aannu marti cid u noqonin, waa arrin guul ah, waxaannu uga mahad naqyanaa Madaxweynaha qaranka oo barnaamijkani uu fikirkiisa ahaa. Tani waa dufcaddii labbaad kuwo kalena waa  jiri doonaan, maalinbana waxbaa ku soo kordhi doona INSHA-ALLAH, dhalinyaradduna waa inay bartaan xuquuqdooda iyo waajibka wadanku ku leeyahay, dalkooda u shaqeeyaan ka xoroobaan ardaayada ay ku xidhan yihiin, waxaas oo dhammi waa faa’iidooyinka shaqo qaran ka dhalan doona.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada md. Axmed Xasan Nuur (Taajir) ayaa isagguna ka hadlay kormeer ay ku sameeyeen goobaha imtixaanka lagu galay ee gobolka Maroodijeex, waxaannu yidhi “ Maanta waxaanu kormeer ku soo marnay shan Iskuul oo imtixaan lagaga qaadayey ardayda shaqo qaran soo codsatay, wax cajiib ah oo nidaam ah ayaa ka dhacay, arday iyo kursi iyo miis, oo ardayna aannu arday la fadhiisan, oo xitaa aannay is eegi karin, kolkaa nidaam degan, oo wanaagsan oo horumar inagga muuqdo ayaannu ku soo aragnay, waxaan hambalyeynaya Xafiiska Imtixaanaadka qaranka iyo maamulka barnaamijka Shaqo Qaran.”