Gobolnimada Gabilay Waxa hor Taagan Xildhibaanada Wadani Iyo Ururka Kaah,”.Xildhibaan Cabdikariin

Xildhibaan Cabdikariim Maxamed oo ka tirsan Golaha wakiilada ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Isbahaysiga Mucaaridka ee Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah in ay caqabad ku yihiin in la ansixiyo Gobolnimada Gabilay.

Xildhibaanka oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gabilay buuxisay shuruudihii Gobalnimo,

Waxaanu yidhi”Golaha Wakiilada waxa uu u fadhiisan la yahay arimo Siyaasadeed,xeerarka Madaxweynuhu soo gudbiyay waxa ka mida ansixinta gobolnimada Gabilay.iyo afrtii degmo ee derejada B loo dalacsiiyay ee degmada Caynaba degmada Baligubadle degmada Sheekh iyo Baki oo ay tahay in Golaha Wakiiladu Waajibaadkiisa ka guto illaa iyo hada Xildhibaanada isbahaysiga Mucaaradka ee Waddani iyo Kaah waxa ay ka warwareegayaan ansixinta Gobolnimada Gabilay,waxa aanu ognahay shirarka la galay waxa aanu haynaa in aanay diyaar u ahayn in la ansixiyo Gobolnimada Gabilay.waxaana xeerhoosaadka Goluhu dhigayaa in xeerarka ka soo noqda Madaxweynaha mudnaanta ay leeyihiin,waxaanan bulshada Gabilay u sheegayaa in Xildhibaanada isbahaysiga Mucaaridka Waddani iyo ururka Kaah in ay ka warwareegayaan ansixinta Gobolnimada Gabilay.Gabilay waa Gobol buuxiyay shuruudihii Gobolnimo waa Gobol darajadiisu tahay A.waxa aan leeyahay saxiibadayda Golaha Wakiilada reer Gabilay idinkamay filayn in aad ka warwareegtaan anixinta Gobolnimada Gabilay,”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com