Golaha Guurtida Somaliland oo saaka la fasaxay.

Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa lagu wargeliyay inay fasax yihiin, waxaana la faray inay maalinta beri ah kabsoo xaadiraan golaha.

Fadhigii shalay ayaa u furmi waayay buuq iyo sawaxan ka dhashay aragti ay ku kala duwanaayeen mudanayaasha goluhu oo ku saabsan xeerka isa-saarka Doorashooyinka oo mudayaasha qaar ku doodayaan in dib loogu soo celiyo guurtida, halka mudanayaasha kalena ay qabaan in aan lagu soo celin golaha oo sidaasi ku dhaqan galay.

Is mari waaga Xildhibaanada kadib guddoomiyaha Guurtida ayaa xidhay golaha oo ilaa maantana xidhan.