Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridku komishanka doorashooyinka u soo magacaabeen

Fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada Jsl, ee Maanta ayaa waxaa lagu ansixiyay labadii Xubnood ee Xibsiyada Mucaaradku usoo xuleen inay kamid noqdaan komishanka Qaranka.

Codayntiina waxa ay u dhacday sidan soo socota:

C/fataax Ibrahim Xasan waxaa u codeeyay oo ogolaaday 49 Mudane waxaa ka aamusay 3 mudane cid diidayna ma jirto. Guddoomiyuhuna ma codayn.
Maxamuud Siciid Dalmar waxa u codeeyay oo ogolaaday 51 Mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane cid diidayna ma jirto. Guddoomiyuhuna ma codayn.

Tirada Guud ee Xildhibaanada ee Golaha Fadhiyay waxa ay ahaayeen 53 Mudane.
Waxaana Sidaas ku anasaxay labadi xubnood ee ka dhinaa komishanka Qaranka JSL.

Bandhige@gmail.com