Google Oo Lacag Ka Dhigaya Adeeg Ay Macaamisheedu Aad U Isticmaalaan

Shirkadda Google ayaa dadka adeegsada ku wargelisay in laga bilaabo bisha lixaad ee 2021 ka ay lacag ka dhigi doonto adeegga Google Photos oo ay shaqadiisu tahay in uu dadka adeegsada u kaydiyo sawirrada.

Google qof kasta oo akoon ka samaysta waxa ay bilaash u siisaa kayd dhan 15 GB, kaas oo isagu bilaa lacag sii ahaan doona, laakiin waxaa jira dad badan oo iyaga oo kaas haysta haddana sabab uun awgeed ‘Google Photos’ ka qudhiisana ku kaydsada faylal. Waxa se ay shirkaddu hadda sheegaysaa in dadkaas ay faylashooda u xisaabin doonto 15 GB ee bilaashka ah, wixii ka badanna ka joojinayso. Taas oo macnaheedu yahay in sida hadda dhacda aanu qofku awoodi doonin in uu xog ku kaydsado Google Photos, iyada oo uu wada isticmaalay xaddigii Google drive ku u ogolaa ee 15 GB ahayd.

Adeeggan imika bilaashka ah ayaa la sheegayaa in lacag ka dhigistiisa ay culays gelin doonto macaamiisha wax ku kaydsada. Laakiin warka farxadda leh ayaa ah in aanay shirkaddu lacag ka dhigayn sawirrada uu qofku Google Photos ku kaydsaday inta ka horreysa 1-da bisha Juun 2021 ka, balse sharcigan lagu dhaqayo sawirrada la kaydsado taariikhdaas kaddib. Sida oo kale lacagta bixinteeda qofka laguma qasbayo illaa uu ka buuxsamo xaddigii looga ogolaa Google Drive ka ee ahaa 15 GB oo bilaa lacag ah, laakiin marka uu kaasi buuxsamo waxaa qasab qofka ku noqonaysa in uu iibsado kaydka Google photos ka.

Waxaa la filayaa in isla taariikhdaas 1-da Juun 2021 ka ay shirkadda Google sii deyn doonto adeeg kale oo lagu kaydsan karo sawirrada iyo muuqaallada gaagaaban, kaas oo lacag la’aan ah laakiin tayo ahaan aad uga hooseeya adeegga lacagta laga dhigayo ee Google Photos.

Habkan cusub ee lacag ka dhigista kaydka sawirrada ee Google ku waxa uu saamayn doonaa dhammaan dadka isticmaala Google Photos iyada oo aan loo eegayn barnaamijka ay ka isticmaalaan in uu yahay Android, Microsoft ama IOS.

Xigasho: Marjaan Tube