Guddida Hawlaha Guud, Dhulka, Guryaynta iyo Tiknoolajiyadda ee Golaha Wakiilada JSL ayaa kulanka la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dab-damiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Sawaaxili.
Ujeeddada Kulanka ayaa ahaa ,Qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Dab-damiska Qaranka oo ay Guddida Hawlaha, Tiknoolajiyadda, Guryeynta & Gaadiidka ee Golaha Wakiiladu gacanta ay ku hayaan .Guddida iyo Taliyaha ayaa isla eegay xeerkan guddidu gacanta ku hayso ,iyaga oo dul istaagay qodobada ugu Muhiimsan ee xeerka.
Kulankan waxaa Taliyaha ku wehelinayay Hogaanka Maamulka iyo Maaliyada Ciidanka Dabdemiska Amran Axmed Baashe iyo Hogaanka Hawlaha Ciidanka Dabdemiska JSL Cabdicasiis Axmed Cilmi.
Ugu danbeyn Guddida iyo Taliyaha ayaa isla qaatay in aanay kulamadu intaa ku ekaan , ee kulamo kale laysu yimaado haddii Alle Idmo.