Guddida ka-hortagga COVID-19 ee Hargeysa ayaa shaacisay tallaabooyin ay qaadayaan toddobaad gudihii

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile oo ka tirsan Guddida Ka-hortagga iyo Ka-diyaargarowga COVID-19 ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ku shaaciyey tallaabooyin ay qaaddayaan toddobaad gudihii. Hoos ka akhriso faahfaahinta warka uu shaaciyey Agaasime Maxamed.

Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ayaan saaka la yeelanay shirkii labaad. Wacyigelin ayaa muddo wiig ah kansocotay magaalada. Laga bilaabo berri haddii Alla yidhaa, wacyigelinta xoog ayaa lagu fulinayaa iyada oo laga bilaabi doono Degmada GACANLIBAAX.

1. Waxa la dumin doonaa buulasha waddooyinka ku yaalla ee jaadka lagu dhex cuno.

2. Waxa la xidhi doonaa mashrashyada lagu qayilo ciddii furtana waa la xidhayaa.

3. Makhaayadaha wax laga cuno kuraasidu 3 mitir ayay isu jiraan, mulkiilayaashuna waa in ay fuliyaan. Makhaayadaha in dadku iskugu yimaaddo waa la joojinaya, haddii ay kaliftana xoog ayaa lagu kala dareerinayaa.

4. Xildhibaan kasta waxa la faray in uu bulshada degmadiisa ku sii wacyigeliyo ololahan si dadku uuga sii tabaabusheysto.