Guddida qaban-qaabada xuska 18-ka May ee sannad guurada 25aad oo bulshada Somaliland ugu baaqay in si weyn loo xuso

Guddida Qaban-qabada ย Xuska 18 May ee sannad guurada 25aad ayaa waxay Shacabka Somaliland ugu baaqeen in ay u diyaar garooban xuska 18-ka May ee sannad guurada 25aad, oo ay sheegen in uu sannadkan uu yahay mid ay Somaliland beesha Caalamka kula garnaqsanayso.

Guddida oo shir jaraaโ€™id ku qabtay Hargeysa ayaa waxa ka hadashay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay in Xuskani uu yahay mid shacabka Somaliland guddo iyo dibed looga baahan yahay in ay ka qayb-qaatan xuska isla markaana loo baahan yahay in maalinta oo qarankeena ku weyn in la weyneyo.

Wasiir Samsam Waxa kale oo ay sheegtay in sannadkan hal ku dhiga sannadkani uu yahay:

โ€œSomaliland Guul Qaran iyo Qaayo lagu gaadh Qarni Rubicii.โ€

Wasiirada Warfaafinta iyo Cadaalada ayaa iyaguna ka hadlay waxaanay shacabka Somaliland ugu baaqeen in ay ka qaybtaan in weyneynta xuskan meel kasta oo ay joogaanba.

bandhige@gmail.com