Guddidii Abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Siilaanyo oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa kulankoodii koowaad ku yeeshay Qasriga Madaxtooyadda.
Guddida Abaaraha oo u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan ururinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan.
Sidoo kale kulanka ayaa waxa lagaga hadlay sidii shaqada loo qaybsan lahaa isla markaana gurmad degdeg ah loo gaadhsiin lahaa dadka iyo xoolaha aan biyo iyo baad-midna haysan.
Waxa sidoo kale qorshe cad oo bar bilow u noqon doona laga sameeyey habka iyo hanaanka loo hawl-galayo iyo ciwaanada dadku kusoo hagaajin doonaan deeqaha ay dadkooda u hurayaan.
Guddida ayaa sidoo kale isla eegay qorshaha fog ee abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira looga bixi lahaa mustaqbalka iyagoo xusay in marka shaqadani soo idlaato ay dejin doonaan qorshe waara oo abaaraha lagula tacaalo.
Markii kulanku soo dhamaaday waxa Saxaafada la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada imikana loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Sheekh Maxamed Aadan oo dhamaantood xusay xaalada Abaareed ee Dalka ka jirta iyo sidii looga gashaaman lahaa, waxaanay sheegeen in ay ugu horaynba duco wadareed ka samayn doonaan dhamaan masaajidada dalka maadama Illaahay oo kaliya uun Ummadda iyo Xoolahaba biyo iyo baad-ba gaadhsiin karo.
Sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen gudidu sidii qaadhaan degdeg ah looga ururin lahaa bulshada qaybaheeda kala duwan loona gaadhsiin lahaa dadkii ku haboonaa.
Guddida ayaa sidoo kale bahda Saxaafada ka codsaday in ay gacan mugle ka gaystaan dhankooda sidii dhawaqa abaaraha loo gaadhsiin lahaa halka ugu dheer.
Isku soo wada duubo kulankan guddida ayaa ku soo idlaaday hawl-maalmeedyo lakala qortay iyo bilow dardar badan ka muuqato, waxaanay muujiyeen sida ay uga go’an tahay gudashada xilkaa adag ee madaxweynuhu u igmaday.
Waxaanay ugu dambayn gudidu bulshada ka codsadeen in ay si hagar la’aan ah gacan uga gaystaan taakulaynta dadkooda jilicsan, sida ugu haboona ay u soo gudbin doonaan meelaha lagu soo hagaajin doono kharashaadka Abaaraha.