Guddoomiye Muuse Biixi wuxu la kulmay maayarka iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Bristol

 

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Maayarka iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska. Sidaa waxa lagu sheegay war cawaysinkii ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Kulmiye.

Guddoomiye Muuse Biixi oo booqday magaalada Bristol oo ay degan yihiin jaaliyad fara badan oo reer Somaliland ahi, waxa uu xarunta Golaha Deegaankeeda kulan kula qaatay Maayarka Bristol Mr. Marvin Rees oo ay wehelinayeen Maayar-ku-xigeenka Estella Ticknell iyo laba xildhibaan oo kala ah; Graig Cheney iyo Hibaq Jamac oo iyadu asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo madaxda Golaha Deegaanka Bristol waxa dhexmaray wadahadal ay ku falanqeeyeen xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya reer Somaliland iyo deegaanka Bristol, sidii magaalada Bristol iskaashi wadashaqayneed ula yeelan lahayd magaalooyinka waawayn ee Somaliland iyo arrimaha qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo la isla soo qaaday doorashooyinka Somaliland ee soo socda iyo halka qabanqaabadoodu marayaan.