Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q1aad iyo 2aad (WQ: Cabdiqaadir Askar)

Qormada Koowaad:

Waa dabaal-deggii 54aad ee ka soo wareegtay xilligii ay gobonimadda qaadatay.

 “Shimbiraha heesaya, midabadda kala jaad jaadka ah iyo nolosha deganaanshu ku ladhan tahay, ayaa dareenkayga qabsaday… Waaba ‘Daa’uus’.”

Waa weedhihii aan sal-guurin ee Winston Churcil, hoggaamiyihii caan baxay ee reer Ingiriis, ku tiraabay lugtiisii koowaad ee uu ku yimid Afrika.

Wixii uu Churcil arkay 1907, ee uu ku soo bandhigay buuggiisii “ Safarkayga Afrika”, ayaa weli dhab ah. Dalkan waa Daa’uuskii Afrika.

Yugaandha, waa dal Ilaahay qurux dabiici ah ku manastay. Waa dhul caggaaran, oo roob badan. Dhir dhaadheer iyo kuwo gaaban oo ay indhahaagu eegmadooda ku dhaygagayaan ayaa meel walba teedsan.

Waa dal aan lix sanno ku noolaa, oo aan ilaa haatan xasuuso iyo xiiso badan aan u qabo.

Bal aan girraanta dib u celiyo.

Waa 3dii galabnimo, 8dii Ogos 2008. Waxa aan ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Entebe, aniga oo ay I weheliyaan laba wiil oo reer Soomaalilaan ah.

Waxa aan u gudbay qol yar oo uu dhex fadhiyo nin xoogan, oo weji furan. Inta uu baasboorkii iga gudhiyey, dabadeena iigu dhuftay dal-ku-gal saddex bilood ah, ayuu ii raaciyey:

“Welcome to Uganda, Ssebo”
“ Thanks, I am Askar though!” ayaan ugu jawaab-celiyey.

Ereyga “Ssebo” waxa aan u qaatay in uu magacayga mooday. Waanse khaldana! Wuxu noqday ereygii aan ugu adeegsiga badnaa, lix sannadood oo aan ku sii noolaa dalka Yugaandha. Macnaheeduna yahay mudane!

Waxa aan indhaha la sii raacay sawir soo laad laaday, oo kor sudhnaa, ninkan igu soo dhaweeyey dalkiisa. Waa sawir kur ah oo dhinac laga sawiray.

Waa nin da’ dhexe ah, midabkiisuna marriin yahay oo saalaxyo leh. Sawirka hoostiisa waxa ku xardhan qoraal kooban.Yoweri Kagute Musaveni, The President of Republic of Uganda.

Museveni, wuxuu iigu muuqday qof yididiilo buuxa, oo dareen togan xanbaarsan. Si hoose ayaaban iskugu idhi malaha waa Soomaali soo lumay.

Waa aamuraha Alle iyo isla doonashe, waa isla isaga, intii uu dalka haystay iyo inta aan jirayba, is leeg yihiin! Wuxuu dalkan qabsaday 1986.

Qormada labaad:

uganda-flag

Khariirada Yugaadha oo lagu xardhay calanka dalka.

Anigga oo shandadaydii riixaya, ayaan u soo baxay barxadda Geggidda Caalamiga ah ee Entebbe. Cabbaar baan hareeraha jeedaaliyey, indhahana la raac-raacay dadka badan ee hortayda tumanaa. Cidna kama aan garanayn! Waxa se markiiba maskaxdayda ku xidhmay muuqaalka i hor imid, ee aan sii malaysanayey. Waa dad madow, dhererka gaabni u badan, oo si fiican uga turjumaya dadyowga Baantuga ah ee Afrika ku dhaqan.

Qofkasta oo indhahaygu qabtaan wuu muraaqaysanaa. Wejiyadoodana waxa aan ka akhrisan karayey weedho aan u fasirtay “Ku soo dhawoow dalkan!”

Waxa aan si lama filaan ah gacanta iigu haadiyey nin dheer oo lebis qurxoon. Waa nin degnaansho iyo kalsooni badan ay ka muuqatey.

“ Waar Askar waad raagteen’e!” ayuu si kaftan leh iigu salaamay.

Waa Cabdixamiid Maxamuud Cumar, Rabbi Jannadda ha ka waraabiye, oo gacan ka xaqdarani ku dishay Magaaladda Muqdisho, isaga oo u  sama-falaya bulshada Soomaaliyeed ee la tabaalaysan gaajada iyo dawlad la’aanta muddo ka badan labaatan sannadoo. Wuxu ahaa qof dun fiican oo aan mahadiyey tallooyinkiisii tolmoonaa iyo hibaddiisii hoggaamineed!

Gaadhigii noo diyaarsanaa, ayaanu fuulnay. Malahaygu wuxuu I odhanayey in Entebbe ka tirsan tahay magaaladda aan ujeednay ee Kampala. Hal saac kadib ayaan se xaqiiqsaday in ay ahayd magaalo kale.

Entebbe, waa magaalo taariikh fog, kanna fac weyn Kampala. Waanna meeshii ugu horaysay ee uu Ingiriisku ka dhigto xarun maamul. Magaceeduna wuxu ka soo jeeddaa garsoore reer Buganda ah, oo ay fadhiisin u ahayd bilawgii qarnigii 18aad.

entebe

Mid ka mid ah dhismayaasha qurxoon ee taxan wadada Entebbe ilaa Kampala.

Malahayga garateen Buganda! Waa dadka ugu badan dalka Yugaadha. Kanna soo jeeda mid ka mid ah boqortooyinka ugu guunsan, uguna ilbaxsan ee soo mara Afrika. Dalku magaciisa boqortooyadan buu ka soo ergistay, luuqadooda labaadna waa Luganda.

Xiisihii aan u qabay daawashadda muuqaaladda dabeeciga ah ayaa ahaa kuwo yaab badan. Markiiba waxa I saaqday neecaw udgoon, oo ka soo afuufmaysay harta weyn ee Lake Victoria, oo kaabiga uun ku haysa Garoonka Entebbe. Markiiba waxa aad malaysanayaa in ay badweyn hortaada fadhido. Waa se harta ugu weyn qaaraddan Afrika, ahna ta labaad ee dunidda.

Waxa wadada hareeraheeda ku ganacsanaya dumar badan oo xambaarsan xidhmooyin muus ah. Bal se dalkan looga yaqaan Matooke. Aniga oo hoosta ka qoslaya, ayaan xasuustay dumarkii Soomaalida, dabadeedna si faduul ah is-bar bar dhig u sameeyey. Dumarka Yugaadha si lama mid ah ragga ayey shaqooyinka culus u qabtaan, uguna dhiiran yihiin. Ragga iyo dumar, dheefsiga nolosha waa loo tartamaa!

state-house

Entebbe: Qasriga uu degan yahay Madaxweynaha haatan ee Yugaandha

Cabdixamiid, oo weydiimo ku daaliyey, baa farta iigu fiiqay dhisme farshaxan sarre lagu bineeyey. Haa waa run. Waa daar cad, oo aad u balaadhan, oo qofka gudaheeda ku sugani ku raaxaysanayo biyaha hor galaclaynaya, macaansanayo cododka shimbiraha heesaya iyo laamahaha ruxmaya. Waa hoyga rasmiga ah ee uu degan yahay madaxweynaha Yugaandha.

Waxa wadooyinka si teel-teel ah u joogay ciidan aad u hubaysan, oo ay ka muuqtay kala-danbayn iyo asluub ciidan oo saraysa. Haa dabcan. Waa dal madaxweynaheedu dagaal kula wareegay tallada dalka, kursigana uu isku ilaabay, sida madax badan oo Afrikaan ah.

Wallow markiiba aad dareemayso in kaabayaasha dawligga ah, gaar ahaan wadooyinka si fiican looga shaqeeyey, gaar ahaan inta aanad gaadhin caasimadda Kampala. Haddana taasi waxa ay beenoowda marka aad u sii dhawaato Kampala, ee aad weliba dhex sodcaasho waddooyinkeeda. Kuwaas oo ah wadooyin yar yar oo laba haad ah,oo biyaha daadkuna dul yaacayaan, carro cas oo indhahaagu diidayaana ka sarayso. Waa wadooyin u eeg, kuwa Hargeysa, ee ay cabashadoodu markasta taagan tagan tahay, gaawaadhideenana ‘cimri’ dedejiyey.

Magaaladdii Todobadda Buurood

Waxa aan gaadhay Kampala. Wax la i dejiyey daarta Kakinga, aniga oo soo dhex maray Kabalagala. Waxa lay casho geeyey Kansanga. Warna waxa laygu siiyey in Soomaalida ugu badan magaaladdu, ku sugan yihiin Kasenya. Ku darsoo, KIU ayaanan waxbarasho u soo doontay. Waar miyaanay xaraf aan “K” lahaynba laga aqoon dalkan, baan si hoose isku weydiiyey.

Kampala, waa magaalo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof. Waxa gashay kaalinta 13aad ee magaalooyinka ugu korniinka dheeraynaya dunida. Qiimayn uu sameeyey ururka laga leeyahay dalka Maraykanka, laguna magacaabo Mercer, wuxuuba ku tillmaamay Kampala, magaaladda ugu nolosha fiican Berigga Afrika, iyada oo ka horaysay magaalooyinka Kigali iyo Nairobi.

Magaaladdu waa magaalo buureed, oo dhinac walba mid baa ka taagan. Waanna meesha ay magaca kala baxday oo afka Luganda ku noqonaysa “Magaaladdii buuraha badnayd”.

Dadka magaaladdan, iyo guud ahaan Yugaadhna, waa dad edeb badan, soo dhawayntana ku wacan. Waxa laysku af-gartaa luuqada Ingiriiska, ahna luuqada koowaad ee dalka.

La soco qaybaha dambe haddii Alle idmo.

Halkan hoose ka akhri maqaaladii hore ee uu qoray Cabdiqaadir Askar:
Cabdiqaadir Dayib Askar waa barre jaamacadeed oo takhsuskiisu  yahay Xidhiidhka Caalamiga Iyo Diblumaasiyadda.  Kala xidhiidh e-mailkiisaabdikadiraskar@gmail.com amma booqo degelkiisa www.siraskar.wordpress.com