Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL Dr. Cali Cabdilaahi Daahir waxa usoo xidhay tabobar u socday haayadaha maaliyadeed ee dalka Somaliland…

Baanka dhexe ee Somaliland .
“Shalay oo ay taariikhdu ahayd 19-02-2024, Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL Dr. Cali Cabdilaahi Daahir waxa usoo xidhay tabobar u socday haayadaha maaliyadeed ee dalka Somaliland muddo laba (2) maalmood ah (18-19- Feb-2024). Tabobarkaas waxaa soo qaban qaabiyay Baanka Dhexe JSL, waxa uuna ku saabsana ”Halbeegyada Nidaamiya soo saaridda Fatwada, iyo Qawaacidda Guud ee Arimaha Maaliyadda Islaamka”.

Haddaba, ujeedka tabobarku waxay ahayd, kor- u-qaadidda aqoonta iyo xirfadda hawl-wadeennada kala duwan ee ka shaqeeyaha haayadaha maaliyadeed ee dalka.

Tabobarkan waxaa bixinayay Prof. Fadel Abdallah Murad oo ka socday Jaamacadda dalka Qatar (Qatar University) isla markaana ah kaaliyaha xoghayaha guud ee Midowga Culimada Islaamka, aqoon xeel dheerna u leh Cilmiga Maqaasida Shareecada iyo Usuul Fiqiga.

Tobobarkan waxaa ka faa’idaystay muddadii uu socday, xubno ka socday haayadaha maaliyadeed ee dalka ka jira, sida baananka, shirkadaha bixiya maalgalinta yar yar (Micro-finance Institutions) iyo Haayadaha Caymiska Qaranka.

Waa billaahi Tawfiiq

Warbaahinta Baanka

 

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka JSL

Bandhige@gmail.com