Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in uu la shaqayn doono Madaxweynaha isla markaana isku wadi doono Golaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa waraysigiisii ugu horreeyey siiyey maanta weriyaha BBC-da Axmed-Nagaashe.

Guddoomiye Cabdirisaaq wuxu sheegay in tartankii dhammaaday isla markaana uu guddoomiye u noqonayo kuwii ka codeeyey iyo kuwii u codeeyey labadaba, isla markaana uu isku wadi doono Golaha.

“Waxan Guddoomiye iyo odayba u noqonayaa hal gole. Waxan diyaar u ahay in aan isku wado golaha anigoo aan u kala eegayn xisbiyo” ayuu yidhi Guddoomiye Khaliif.

Sidoo kale, wuxu sheegay in uu Madaxweynaha si wacan ula shaqayn doono iyadoo uu tixgelin doono masuul kasta oo dawladeed awoodaha uu dastuurku siiyey.

Sidoo kale wuxu sheegay in ay si fiican u wada shaqayn doonaan ku-xigeenkiisa Siciid Mire Giirre oo markii hore ka soo baxay xisbiga UCID laakiin tartankii Golaha Wakiillada metelayey isbahaysiga Xukuumadda iyo garab ka go’ay UCID.

Cabdirisaaq ayaa ugu dambayn sheegay in laga yaabo aanay wada buuxin filashada dadweynaha oo wax weyn ka filaya laakiin ay intii tamartooda ah samayn doonaan xilgudasho iyo dedaal ay ugu abaal gudi doonaan dadkii soo doortay.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa doorashadii shalay ee shirguddoonka Golaha Wakiillada kaga adkaagay Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo ka socday xisbul-xaakimka, dad badanina ay saadaalinayeen in uu isagu noqon doono ka hoggaamin doona Golaha Wakiillada 5ta sanno ee soo socda maadaama uu haystay taageerada xukuumadda oo dhammaystiran.