Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa iska xaadiriyey furimaha dagaalka gaar

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa iska xaadiriyey furimaha dagaalka gaar ahaan Deegaanka Dhuur-madare oo galabta dagaal ku dhexmaray Ciidanka qaranka iyo maleeshiyadda huwanta.
Badhasaabka oo kulan la qaatay saraakiisha dagaalka hoggaaminaysay ayaa Ciidanka ku ammaanay sida ay dhirbaaxada ugu dhufteen Maleeshiyadda nabad diidka ee soo weerartay Ciidamada qaranka.
Guddoomiye isdebar ayaa ciidmadda ku amray inay daryeelaan maxaabiista lagu qabtay dagaalka.