Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay weheliynayaan Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland. 

Kulankan ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu sharraxaad kooban ka siinay xubnaha Guddida Xeerka Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda, kaas oo hore ay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, haatana hor yaalla Golaha Wakiillada si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Xeerka Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda ayaa ka mid ah Ajandaha kalfadhiga Golaha Wakillada ee hadda lagu jiro iyada oo maalmaha soo socda uu goluhu si rasmi ah u gudageli doono doodda ku saabsan xeerka oo ay markaa waajibkooda dastuuriga ah ka gudan doonaan.